Friday 11 December 2009

Boliiska Puntland oo diley nin rasaas ku furey Wadaado

11 Dec 11, 2009 - 12:54:19 PM

Booliska magaalada Galkacayo ayaa diley nin dhalinyaro ah oo rasaas ku furey koox wadaado ah oo kasoo baxey salaada Maqribka maanta 11 Dec,2009.

Ninkaan oo maydkiisa sawir laga qaadey kadib-na la shaaciyey ayaa waxaa uu rasastan ku dhaawacey labo Wadaad iyo askari ka tirsan ciidamada amniga.

Ciidamada Booliska oo baacsadey ninkaan ayaa rasaas ay is-weydaarsadeen kadib ayuu ku dhintey halka dhawac halis ah uu soo gaarey askari ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Weerarka loo gaystey Wadaadadaan ayaa wararka sheegayaan inuu yimid kadib markii maalin ka hor cambaareyeen dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Somalia.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug oo saxaafada u waramayey ayaa sheegey in ciidamada amniga ku jiraan heegan adag islamarkana ka hortagayaan falalka noocaan oo kale ah.

Puntland ayaa waxaa wayadaan dambe ka dhacayey dilal qorsheysan kuwasoo sababey in magaalooyinka waaweyn si adag uga howlgalaan ciidamada amniga,

Ma jirto koox sheegatey dilalkaan xili Koonfurta Somalia ka socdaan dagaalo culus oo u dhexeeya kooxo Islaamiyiin ah iyo ciidamada midowga Africa oo ilaalo ka haya dowladda Sheekh Shariif.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...