Sunday 27 December 2009

Afhayeenka siyaasada Odayaasha Dhaqanka belaha hawiye oo sheegay in dowladu ay wado qorshayaashii Ethiopia ee ahaa muqdisho in dastuur u goonidaa loo

Afhayeenka siyaasada Odayaasha Dhaqanka belaha hawiye oo sheegay in dowladu ay wado qorshayaashii Ethiopia ee ahaa muqdisho in dastuur u goonidaa loo sameeyo

Afhayeenka dhinaca Siyaasada ee odayaasha beelaha Hawiye cabadullaahi Dheere ee gudoomiyaha uu u yahey Dr Maxamed Xasan xaad ayaa si weyn waxaa uu uga cowdey Dastuur la shegay in la doonayo in loo sameynayo gooni u ah muqdisho.

Afhayeenka ayaa yiri wax soconaya maaha in muqdisho kaliya la yiraahdo waxaa loo sameynaya Dastuur u gooniya aydoo gobalduu kale aan wax loo sameyn waxaan ay u dhiganyaa ayuu yiri "Keygana Anigaa iska Leh kaagana kula lihi" oo ay ku dhaqmayan gobolda qaarkood oo doonua ayuu yiri dowlada ayey rabaan in ay wixii ay hesho la qeybsadaan waxoodana ay gooni u ahadaan oo hadan shidaal si gooniya u soo saranaya.

" aniga waxaan la yabanhey waxa dowladu ay muqdisho kaliya dastur ugula soo degdegayso xiligaan sidi midi ka horeysey ee Ethiopia taageri jirtey oo kale mise Ethiopia ayeyba u shaqeeyaan oo howlahooda ayey fulinayaan" ayuu yiri Afahayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha hawiye C/llaahi Dheere oo intaas sii dabadhigey in looga bahanyahey xitaa hadii wax la sameynayo in loo daayo dadka muqdisho degan oo ehelka u ah.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay in aysan hada suurto gal ahgeyn in xiligaan dastuur gooniya loo sameeyo muqdisho ayna ka soo horjeedaan odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye .

Hadalkaan ayaa ka danbeyey ka dib markii shaley maamulka gobolka banaadir uu qabtey siminaar loogu talo galey in lagu sameeyo dastuur Muqdisho u gooniya oo ay iska kashanayaan UNDP iyo maamulka gobolka banaadir oo dowlada uga wakiila kaas oo loo qabtey gudoomiyayaasha 16 degmo ee muqdisho iyo Xildhibanada golaha degaanka Gobolka banaadir

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...