Friday 11 December 2009

Shariifka iyo kooxdiisa oo xad gudubkii ugu xumaa u gaystay Ahlu-Sunna wal-Jamaaca, laakiin laga guulaystey.

Kooxdan waxay isku day ba'an ugu jiraan dhaqaalana ku bixinayaan sidii ay u kala fur furi lahaayeen Ahlu sunna , laakiin taas waa hay'haata.

Shariif-ka oo ay ka muuqato nacaybka fog ee uu u qabo Ahlu Sunna Wal-jamaaca, ayaa waxaa isu soo taraya xad gudubyada iyo af lagaaddada is daba joogga ah ee uu u gaysanayo Culammada Ahlu Sunna.

Mudda yar ayaa laga joogaa waqtigii uu shariifku ku sheegay Ahlu-Sunna inay tahay Jabhad la mid ah shabaabka iyo Xisbul Islaan.

markii culammadu waydiisatey inuu arrintaas raalli gelin ka baxiyo wuu ku sii adkaystay , wuxuuna mar kale ku soo celiyey in aanu Ahlu-Sunna u hayn magac kale oo ay yihiin Jabhad.

Xad gudubyadaas waxaa xigay Hishiiskii been abuurka ahaa ee usbuucii hore uu sheegay wasiirkiisa Gudaha oo ahaan jirey guddoomiye ku xigeenkiisii midowgii Maxaakimta, hishiiskaasoo ay ay sheegeen in ay la galeen Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca.

Hishiiskan wuxuu cara geliyey Ahlu-Sunna meel kastoo ay joogto , waxaana la wada dareemay ula jeeddada ka danbaysa.

Isla markiiba waxaa hishiiskan beeniyey Af hayeenka Rasmiga ah ee Ahlu-sunna wal-Jamaaca sheikh Abuu yuusuf Qaadi oo ah ninka isagu arrintaas u xil saaran.

Carada culammadu ka qabtay xadgudubkaas hishiiska lagu sheegay awgeed waxaa mar labaad si kulul u beeniyey Guddoomiyaha Ahlu-Sunna wal-Jamaaca Sheikh Maxamuud Sheekh Xasan, oo ku sheegay mid waxba kama jiraan ah oo la rabo in khilaaf lagu abuuro.

Idaacadda VOA-da oo Sheekh Maxamuud weydiisey hishiiskan ayaa ku jawaabay " waxaan u maqlay sida aad u maqasheen , waxbana kama jiraan hishaaskaas.

Haddaba , waxaa la yaab leh in maanta Idaacadaha qaar sii daayaan nin sheegay in uu isagu hishiiska u saxiixay Ahlu sunna , weliba waxay saxaafadaha qaarkood ku sheegaan hadalkaas khilaaf soo kala dhex galay ahlu sunna.

Arrimahaas oo dhan waa riyo xaqiiqada ka fog, ma keeni karaan khilaaf , mana laha awood khilaaf iyo wax u dhow , keliya waxay xad gudubyadaasi muujinayaan laba arrin oo kala ah:

1. Sida Shariifka iyo ragiisii kula jiray Maxaakimtu ay u jeclaan lahaayeen in ay kala jebiyaan Ahlu-sunna Wal-jamaacah.

2. In Ahlu-Sunna aay ku dhisantahay degganaan iyo inay u dhimriyaan qofka khaladka gala , una caqli celiyaan ee aanay handadin ama gawricin sida Shabaabka iyo Xisbiga Uwes.

Cid kasta oo hadalkan ka dhegaysatay idaacadihii soo daayey way garan kartaa in ninkan sheegtay in uu saxiixay hishiis aysan waxba ka ogayn dahmmaan madaxda Ahlu sunna uuna beeniyey guddoomiyaha Ahlu sunna uu yahay nin mudan in fiira gaara loo yeesho caqiiddadiisa iyo xiriirka uu la leeyahay khawaarijta.

Intaas waxaa dheer oo raja beel ku ridaya cid kasta oo u hanqal taagta hadalka ninkan sheegtay in uu saxiixay hishiiskaan aan ahlu sunna ogayn raalligana ka ahayn in uu ka mid yahay Xerta Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha Ahlu sunna Wal-Jamaaca.

Waxayna xerta Ahlu Sunna leeyihiin Tarbiya fiican oo ay ku qaataan Talada iyo awaamirta sheekhyadooda oo ku dhisan nasiixada diini ah , qofkii diidana wuxuu noqdaa qof ay liidato tarbiyadiisa oo aan wax sumcad ah ku dhex yeelan culammada iyo Xertaba, wuxuuna sida badan qofkaasi ka mid noqdaa khawaarijta oo ah koox sheekhyadooda caaya , ugu danbayntan gaala ku sheega.

Dibin daabyada iyo shirqoolka ay dhaqaalaha ku bixinayaan shariif iyo Wahaabiyadiisa dawladda sheegata waxba uma dhimi doonaan Halganka Ahlu sunna wal-jamaaca ugu jiraan sidii ay ummadda uga xoreyn lahaayeen Ajaanibta iyo khawaarijta ku soo duushay Diinta , Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...