Sunday 27 December 2009

Gaalkacyo: Puntland & Galmudug oo wada hadlay maanta…Maxaase lugu wada hadlay!! Maxaase ka soo baxay!!..WARBIXIN..

27. december 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wada xaajoodyo adag qaatayna saacado badan, kana dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa iskugu yimaadeen dhinacyada Galmudug & Puntland, oo ka wada hadlaya xaaladaha magaalada iyo go’aanka laga gaarayo dagaaladii dhacay maalmihii ugu dambeeyey.

Madaxda dawladda Puntland ee gobalka Mudug, Odayaal, Ganacsatada qaarkood iyo dhinaca Galmudug oo ay sidoo kale ka yimaadeen xubno kala gedisan, ayaa laysku hor fariistay hoolka Shirarka ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Col, Axmad Cali Salaad iyo Xasan Faarax Bare oo kala ah gudoomiyaasha gobalka Mudug ee dhinacyada Galmudug & Puntland, ayaa furay wada xaajoodyo, iyadoo ka dibna ay bilowdeen hadalada ay jeedinayeen dhinacyada kala gedisan.

Xasan Faarax Barre ayaa furitaankii shirka sheegay in aad uga xun yihiin dagaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in ay Galmudug ahaan ku jiraan talaabo ka qaadid ku aadan cidii lugta ku lahayd arrimahaasi, wuxuuna garowsiiyo ka bixiyay dhibaatadii ka dhacday Gaalkacyo oo masuuliyadeeda la saarayay dhinaca Koonfureed, inkastoo lafilayo in dhamaadka wada xaajoodyada lugu soo qaado.

Saxaafada oo laga dheereeyey wada xaajoodyada ayaa qaar ka mid ah ka qeybgalayaashu waxa ay usheegeen APL, in lasoo qaaday dagaaladii dhacay, sidii wax looga qaban lahaa iyo xalka magaalada Gaalkacyo, qolo kasta sida ay la tahay.

Saraakiisha kala gedisan ee Puntland ayaa hordhigay dhinaca Galmudug qoraal cadaynaya waxyaabaha ay doonayso Puntland in ay ka gaarto Gaalkacyo, oo ay ugu muhiimsanaayeen sameynta Xaduud labada dhinac ah iyo go’aan laga gaaro soo laabashada xiisadaha dagaal ee magaalada.

Odayaasha iyo Ganacsatada Puntland oo hadlay ayaa sheegay in aad uga xun yihiin 4 duulaan oo lugu soo qaaday Ilaalada dawladda Hoose iyo Hoobiyayaal lugu garaacay xaafadaha ay joogeen dad rayid ah oo aan loo aaboyeelin, waxa ayna ku eedeyeen Galmudug in ay soo diyaar garoobeen dagaalo lugu hoobto oo ka dhaca gobalka Mudug.

Odayaasha Koonfureed ayaa garowsiyo ka bixiyay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo, ayagoo cadeeyey in ay aad uga xun yihiin kuna jiraan sidii aysan mar dambe usoo laaban lahayn dagaaladu, iyagoo muujiyey dabacsanaan ku wajahan xaaladihii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, si loo gaaro nabad, iyagoo soo qaaday khasaarihii dagaalada, waxa ayna tibaxeen in ay doonayaan nabadgalyada Gaalkacyo iyo ku dhaqanka heshiiskii 1993-dii oo aysan aaminsaneyn.

Masuuliyiinta dawladda ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay Puntland ay doonayso xaduud ay la sameysato Galmudug, maadaama ay labo maamul yihiin, waxa ayna sidoo kale sheegtay in ay doonayaan in ay dhaqan galiyaan heshiiskii 1993-dii, waxa ayna usheegeen ka qeybgalayaasha shir nabdeedka ee dhinaca Galmudug in ay ciidamadooda waafajiso xaduudii laysku raacay 1993-dii, kana baxaan goobaha ay hada kaga jiraan difaacyada iyo dagaalada ay ka wadaan, waa sida ay sheegtay Puntland-ne

Mid ka mid ah ka qeybgalayaasha shirka oo ka socdey dhinaca Galmudug ayaa sheegay in aysan marnaba fileyn in ay Puntland uga yimaadaan arrimahaasi, wuxuuna tilmaamay in ay hada ka tashanayaan arrimaha ku wajahan xaduuda, isagoo muujiyey in aysan kala maarmin dadka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay badanka dhulka Gaalkacyo oo ay ku jiraan goobaha dawladda ay gacanta ku hayso dawladda Puntland.

Shirka oo ay maanta ahayd wajigii ugu horeeyey ayaa laysku raacay in mar kale berito dib loo balamay, iyadoo ay ka soo baxeen shirkii maanta, xoojinta xabad joojintii iyo Sidii looga tashan lahaa wada daganaanshaha magaalada Gaalkacyo.

Xasaradaha Siyaasadeed ee Gaalkacyo ayaa kacsanaa laga soo bilaabo dhismihii maamulka Galmudug, hadana marar badan ayay socdeen hadalo keenayay khilaafaadyo sii badanayay, ilaa lasoo gaaray in Galmudug labo garab noqoto, Puntland-na mowqif ka qaadato Siyaasadeed ku wajahan magaalada Gaalkacyo.

Wixii ka dambeeyey 27 October ee sannadkan waxa ay Gaalkacyo yeelatay wajiyo cusub oo Siyaasadeed, markaas oo la weerara Shaqaalaha dawladda Hoose oo uu hogaaminayay duqa magaalada Md, C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxaana wixii ka dambeeyey socday dadaalo ladoonayay in lugu wada hadlo, balse markasta ku dhamaanayay guuldarooyin, iyadoo qodobada laga wada hadlayay aysan dhinacyadu isku raaceynin.

Shirka berito dhici doona ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan go’aamo culus oo ku saabsan xaajada magaalada Gaalkacyo oo laga soo bilaabo bilihii October ilaa December, ku jirtay duulaamo lugu eedaynayay dad taageersan dhinaca Galmudug in ay soo qaadayeen, waxaa sidoo kale lafilayaa in ay shirka ka soo baxaan go’aamo ay wada taageeri doonaan Galmudug & Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...