Sunday 27 December 2009

Maxaad kala socotaa qorshaha Itoobiya ay ku in qilaabeyso madaxweyne Sheikh Shariif yaasa hor boodayo qorshahaasi

Dowlada Itoobiya ayaa wado qorsho in qilaab ah oo ku dooneyso in xilka si xeeladeysan in ugu xayuubin rabaan madaxweyne Sheikh Shariif ,qorshahaas oo lagu kar karinooyo magaalooyinka Nairobi iyo Dooloow kuwaa oo wado dhawaan in ay dalka ku soo duliyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo rag Soomaali ah ay gadaal ka joogaan

Qorshaha xilka looga xayuubinaayo madaxweynaha ayaa waxaa hor bodoyo Dowlada Itoobiya waxayna adeegsaneysaa Wasiirkii koowaad ee hore Cali Maxamed Geeddi ,Col Bare Hiiraale iyo Adan Saran soor

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhawaan la soo galinayaa Soomaaliya waxayna qabanayaan Gobolada Gaddo iyo Bay iyo Bakool waxayna garayaan ciidamadaan difaac ka galayaan degmada Buurhakabo halkaa oo degi doonaan kadibna waxaa magaalada Baydhaba la geynayaa xildhibaanda badan ee joogo dalka Kenya kuwaa oo xarun ka dhigan doono magaladaasi kadibna u yeeri doono madaxweynaha Dowlada midnimada Qaran Sheikh Shariif Axmed waxaase la hubaa in uu diidi doono dowladana kala noqon doonto laba garab sidii hore loogu yiqiinay dowladii ka horeysay uu garwadeenka ka ahaa col Cabdulaahi Yuusuf

Isku soo duubee dowlada Itoobiya ayaa waxaa la hubaa in ay Soomaliya ku heysay 20kii sano ee dowlad laaanta faragalin qaawan oo aan meel loogu soo gaban waxaase shacabka Soomaaliyed aad ula yaaban yihiin cunaqabateenta la saaray dowlada Eratareya ee la saari layahay Dowlada Itoobiya oo hub galiso Soomaaliya maalin iyo habeen

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...