Wednesday, 9 December 2009

Madaneyaasha Barlamanka ee ka soo jeeda Puntland ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowlada somalia iney shaqada ka tagaan hadii aysan amaanka sugi karin

Waxaa maanta kulan ku yeeshay Hotelka Naasa hablood ee magaalada Muqdisho mudaneyaasha Baarlamanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland, kaasoo looga hadlayey arimaha amaanka.

Mudaneyaashaasi ayaa isla falanqeeyey amaan darada ka taagan magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo qaraxii dhowaan ka dhacay hotelka SHAMO ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen dad badan ay ku jireen wasiiro ka tirsan dowlada Somalia.

Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse oo ku hadlayey magaca xildhibanada halkaasi ku shiray ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowlada Somalia ay ka muuqato karti daro aad u weyn isla markaana ay ku guul dareysteen iney wax ka qabtaan xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho.

“Maadaama ay gudan waayeen waajibaadkii ka saarnaa Badbaadinta umadda iyo mas’uuliyinta dowladda waxaan ugu baaqeynaa iney xilka iska wareejiyaan fursadna siiyaan dadka kale ee Soomaaliyed ee laga yaabi wax intan dhaama iney keenaan” ayuu intaa ku daray xildhibaankaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...