Sunday 8 November 2009

Suldaan Afgaduud oo weliga xabsiga lagu hayo,kadib markuu ka hadlay xadhiga dadka reer Ogadeniya.

Warkii 30-Oct-2009 iyo Qormadii: NEWS

Suldaan C/casiis Yuusuf Maxamud Afgaduud oo ka mid ahaa Suldaamada ugu caansan Puntland ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay kadib markii uu Warbaahinta ka sheegay dad ehel iyo qaraabo ah oo ka soo jeeda Ogaadeeniya oo xabsiga loo taxaabay,qaarna cadowga Itoobiya gacanta loo galiyey. Ehelka Suldaankan oo la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyay in boliiska magaalada Boosaaso ay xabsiga u taxaabeen Suldaan Afgaduud kadib markii ay ku eedeeyeen inuu warbaahinta u sheegay xadhig Puntland ay u geystay 5 nin oo lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen ururka ONLF oo la sheegay in lagu xidhay gudaha Puntland. Boliiska Puntland ilaa haatan iyagu kama aysan hadlin xadhiga suldaankaasi.


Suldaanka oo xadhiga nimankaas ka xaqiijiyey idaacda VOA qaybteeda Afsoomaaliga ayaa ka mid ah raga geesiyiinta ah ee ku dhiiraday inuu u adkaysan waayo dhibaatada iyo tacadiga lagu hayo dadka soomaaliyeed ee cadowga loo dhiibayo,iyadoo ilaa hada ay jiraan rag damiir ah oo ka dhiidhinaya dhibka loo gaysanayo dadka muslimiinta ah

Nabadoon ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyay xadhiga Suldhaanka, sidoo kale Suldaan C/Qaadir Ciise Axmed oo ka soo jeedda Puntland kuna sugan London ayaa isna ka hadlay xadhiga Suldaan Afgaduud.

Suldaan C/aadir Ciise wuxuu canbaareeyey xadhigaasi, wuxuuna maamulka Puntland ku canbaareeyey inuu wado caburin ka dhan ah xoriyatul qowlka.

Suldaaan C/Qaadir ayaa isna sida aan wararka ku helayno isna ay raadinayaan ciidanka booliisku,oo laga cabsi qabo in isna xabsiga la dhigo.

Maamulka Puntland ayaa waqti hore ku amray ciidamadooda ammaanka inay soo qabtaan ayna su'aallo weydiiyaan cid kasta oo lagu tuhmo inay khal-khal galinayso ammaanka Puntland.Balse sida ay noo sheegeen waxgarad ku sugan deegaanka puntland ayaa waxay noo sheegeen in ay Puntland ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan sirdoonka itoobiya oo si cad loo og yahay meelaha ay degan yihiin,isla markaana hadii laga hadlao ama wax laga sheego xabsi ama dila khatar loo yahay.

Waxaa magaalooyinka waaweyn e puntland dhexmushaaxa dambiilayaal badan oo aan la qaban oo ay ka mid yihiin budhcad badeed hubaysan,iyo kuwo dilal geystaba,meesha xabsiga la dhigayo kuwo aan wax denbi ah gelin.

Dhowr bilood ka hor ayaa waxa ciidamda sirta ee Itoobiya weerar ku qaadeen guri ku yaala magaalada Gaalkacyo,iyagoo halkaas ku dhaawacay nin,sadex kalena kaxaystay,iyagoo markii danbe qaarna wadada ku tuurasy,qaarna meelay jaan iyo cidhib dhigen aan la garan karin.

Xadhiga nimankaas la xidhay,iyo qaarka Itoobiya loo dhibayba waxaa aad ugu xumaaday dadka soomaaliyeed ee damiirkoodu nool yahay,khaas ahaan odayaasha iyo waxgaradka Ogaadeeniya oo shirar ay arintaas ku canbaaraynayaan ku yeeshay meelo badan.

Afnugaal News Desk.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...