Wednesday 11 November 2009

War deg deg ah:Gudoomiyihii maxakamada gobolka bari iyo xildhibaan lagu kala Garoowe iyo Boosaaso. Warkii 11-Nov-2009 iyo Qormadii: NEWS

Wararka ka imaanya caawa magaalooyinka Garoowe,Boosaaso,iyo Gaalkacyo ayaa sheeygaya in magaalada Boosaso lagu dilay gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare oo ahaa ninkii 10 ilaa iyo 15-ka sano ku xukumay 6 nin oo ka mid ahaa culimada magaalada BOOSAASO.

Dhanka kale Ibraahim Cilmi Gaab oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa lugu dilay gudaha caasumada Puntland ,gaar ahaana isago marayay gudaha magaalada Garoowe

Faahfaahin kale ma aysan bixin Madaxda dawladda Puntland, waana falkii sadexaad oo caawa ka dhaca gudaha Puntland, ayadoo maqribkii lugu dilay Boosaso gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad Maxamed Cabdi Awaare, Galkacyo oo qarax lala eegtay Xarunta dawladda Hoose iyo Garowe oo lugu dilay Mudanahan baarlamaan, dad badan oo ku dhaqan Puntlanda ayaa qaba walaac xoog leh oo ku adan arrimahan oo aan dhamaantood la garan karin cid ka dambeysay.

Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa lugu tuuray Bambo kuwa gacanta ah,taasoo aan la garan karin cida ka dambeysa, waxaana ciidamadu amaanku ay rideen rasaas lasheegay in lugu kala cayrinayay dad badan oo iskugu soo xoomay Xarunta dawladda Hoose.

wararka oo faahfaahsan ha ka fogaan Afnugaal.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...