Wednesday 11 November 2009

Garowe: Mudane ka tirsan barlamaanka Puntland oo goor dhaw lugu dilay Garowe.

Garowe(AllPuntland)- Xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa goor dhaw lugu dilay magaalada Garowe ee caasumada Puntland, sida ay APL usheegeen Wariyaal iyo dhinacyo kale oo ku sugan caasumada Puntland.

Ibraahim Cilmi Gaab oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa lugu dilay gudah caasumada Puntland ,gaar ahaana isago marayay gudaha caasumada, sida ay sheegayaan Wariyaasha Madax banaan ee caasumada Puntland.

Dawladda Puntland madaxdeeda qaar ka mid ah ayaa sheegay in la dilay Mudahan barlamaan, isla markasna aysan garan karin cidii ka dambeysay falkan oo ay baxsadeen, waxa ayse sheegeen in ay ku jiraan baaritaano xoog leh oo ku wajahan arrimahan.

Faahfaahin kale ma aysan bixin Madaxda dawladda Puntland, waana falkii sadexaad oo caawa ka dhaca gudaha Puntland, ayadoo maqribkii lugu dilay Boosaso gudoomiyihii Maxkamada darajada koowaad Maxamed Cabdi Awaare, Galkacyo oo qarax lala eegtay Xarunta dawladda Hoose iyo Garowe oo lugu dilay Mudanahan baarlamaan, dad badan oo ku dhaqan Puntlanda ayaa qaba walaac xoog leh oo ku adan arrimahan oo aan dhamaantood la garan karin cid ka dambeysay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...