Wednesday 11 April 2012

Border Agency still failing on basics, say MPs

Muqdisho (RBC Radio) Raysal wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada dowlada ay kula jirto Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dowlada ay soo afjari doonto dagaaladaasi.
Wuxuu sheegay C/wali Cali Gaas in dowlada ay la wareegi doonto dhamaanba gobalada Soomaaliya isla markaana ay ka saari  doonto kooxda Al-Shabaab.
Raysal wasaaraha ayaa sheegay in uu qorshuhu yahay in dowlada ay la wareegto dhamaanba gobalada Soomaaliya ka hor inta aanan la gaarin bisha Augusto.
Sidoo kale raysal wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in dowladu haatan ay ku guuleesatay in ay la wareegto meelo badan oo ay horay u joogeen kooxda Al-Shabaab waxaana meelahaasi ka mid ah magaalada Magaalada Muqdisho Xudur Baydhabo Beledweyne iyo meelo kale.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qaraxii ka dhacay golaha Murtida iyo Madadaalada wuxuuna sheegay in aanan loo baahnayn warka magaalada ku jira laakiin qaraaxi ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu tilmaamay in loo baahanyahay in la sugu baaritaanada socda isla markaana dowlada KMG Soomaaliya ay haatan wado baaritaano lana soo bandhigi doono wixii ka soo baxaa baaritaanadaasi.
Afartii bishaan ayaa qarax xoogan wuxuu ka dhacay Tiyaatarka Qaranka waxaana qaraxaasi uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...