Saturday 7 April 2012

XOG: Boosaska Odayaasha Dhaqanka ee Soo Xuli Doona Golaha Dastuuriga oo Muqdisho Lagu Kala Iibsanayo

Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah xafiisyada wasiiro ka tirsan xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ku mashquulsan kala iibsiga boosaska odayaal dhaqameedka loogu talagalay inay soo xulaan golaha cusub ee dastuuriga ee lagu cadeeyey heshiisyadii Garowe iyo qorshaha ‘Roadmap-ka’ iyadoo ay bilaabatay in lacago laga sii qaato odayaasha qabaa’ilada ee rabta in loo magacaabo boosaska.
Wasaaradaha arimaha sida weyn ugu lug leh ayaa waxaa ka mid ah wasaarada arimaha gudaha iyo xafiiska wasiiru dawlaha dhalinyarada iyo ciyaaraha, sida Shabakada Raxanreeb ay u xaqiijiyeen odayaal dhaqameed iyo xubno dawlada ku jira oo aan rabin in la magacaabo kuwaasi oo noo sheegay inay iyagu iibsadeen kuraasta loogu talagalay odayaasha beelaha Hawiye iyo Dir.
Kuraasta oday dhaqameedyada ayaa haatan la kala siisanayaa lacag u dhexeysa $4,000 illaa $5,000 oo uu laaluush ahaan u bixinayo qofkii raba inuu ka mid noqdo 135 xubnood ee odayaal dhaqameedka ee soo dooran doona golaha dastuuriga. Waxaana lacagahan lagu kala qaadanayaa hab suuq madow ah oo akoono gaar u ah wasiirada loogu shubayo iyadoo ay soo bexeen dulaaliin u dhexeysa wasiirada shaqadan cusub furtay iyo odayaaasha raba inay kuraasta helaan.
Sida ku cad heshiisyadii lagu gaaray Garowe bilihii Disembar iyo Febraayo iyo kulankii u dambeeyey ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa beelaha Soomaalida oo wax loogu qeybiyey 4.5 loo qoondeeyey 135 xubnood oo ah odayal dhaqameed ka qeybqaadanaya soo xulista golaha dastuuriga oo ka kooban 825 xubnood kuwaasoo iyaguna ansixinaya dastuurka cusub ee aan la isku raacsaneyn iyo baarlamaanka cusub ee imaanaya waqtiga kala guurka.  Awood qeybsigaasi lagu saleeyey qabyaalada ayaa sheegaya in afarta beelood [ee waaweyn siday u yaqaanaan kuwa sameeyey] ayaa yeelanaya min 30-xubnood halka beesha shanaadna ay qaadaneyso 15 xubnood oo kaliya.
Mid ka mid wasiirada shaqadan faraha kula jira oo aan la hadalnay ayaa sheegay inuu maqlay warkaasi hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay war been abuur ah oo aan waxba ka jirin, Laakiin fadeexada ugu darneyd ayaa dhacday markii Khamiistii iyo Sabtida [maanta] xafiisyada wasiirada shaqadan ku lugta leh ay tageen odayaal isku jufo ah oo mid kasta gooni ahaantiis lacag looga qaatay loona sheegay inuu isagu geli doono booska “jufadiisa”.
Mudanayaasha cusub ee baarlamaanka oo la sii xulanayo
Dhanka kale waxaa xafiisyada raysul wasaaraha iyo kan madaxweynaha DKMG ah ka bilawday diyaarinta liisaska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo socda soo geli doona kuwaasoo raysul wasaaraha iyo madaxweynaha ay ka buuxiyeen saaxiibadooda gaarka ah iyagoo ku saleynaya hab qabiil.
Sida ilaha warkan na siiyey ay xaqiijiyeen, waxaa arintan looga gol leeyahay si madaxda DKMG ah ee hadda joogta ay ugu guuleysan lahaayeen doorashada dambe ee madaxtinimada dalka, waxaana taas loo aaneynayaa maadaama baarlamaanka cusub ee ka koobnaan doona 275 xubnood uu dooran doono madaxweynaha.
Saaxiibo aad ugu dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu heysto kalsooni weyn inuu mar labaad noqon karo madaxweynaha Soomaaliya halka C/weli Gaas uu loolan ugu jiro kursiga raysul wasaaraha taasoo dhanka kale ka dhigan “isu dheelitirka awooda qabiilka” ee kuraasta sarsare ee dawlada.  Waxaa loo badinayaa in Madaxweyne Faroole uu markan raali ka yahay sida C/weli Gaas kubbada u ciyaarayo, maadaama C/weli uusan Faarole ku faragelin xulida odayaasha beelaha Harti ee ka mid noqon doona 135 xubnood.
Lama oga in dooda iyo dacwada ka dhalatay sheekadan ay gaari doonto xafiiska Ambassador Augustine Mahiga oo dhowaan si kulul u canaantay kooxda Aala Sheekh.  Diblomaasiyiin ku dhow xafiisyada UN-ka waxay Raxanreeb u xaqiijiyeen in cannaanta Mahiga ee Aala Sheekh uu u jeediyey ay ahayd arin dhab ah ayna ka dambeysay amar beesha caalamka ka soo baxay kaasoo awood loogu siiyey Mr Mahiga inuu si aan ka leexad lahayn uga hadlo musuqmaasuqa iyo isdabarinta hareysay xafiisyada madaxda sare ee DKMG ah.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu u muuqda inay neef weyn ka fuqday wixii ka dambeeyey shirkii Garowe 2 ayaa isaguna si deganaan leh u wata kala baandheynta xubnaha beelaha Digil iyo Mirifle oo sida cad isaga looga dambeeyo. Wararku waxay sheegayaan in liiska 30-ka xubnood ee dhanka Shariif Xasan ay haddaba diyaar yihiin.




RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...