Monday 16 April 2012

DHACDO NAXDIN LEH: Caaqil Nadiir Maxamed Dhiidhi oo Lagu Daldalay Xabsi Ku Yaalla Jigjiga

Jigjiga (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in booliska magaaladaasi ay markii ugu horeysay Khamiistii 12-ka bishan April 2012 ay xaqiijiyeen inuu xabsiga ku geeriyooday Caaqil Nadiir Maxamed Dhiidhi oo tan iyo sanadkii 2010 u xirnaa ciidamada Ethiopia.
Caaqil Nadiir Maxamed Dhiidhi waxaa uu ka mid ahaa odayaasha caanka ee deegaanada Soomaali Galbeed, wuxuuna ku jiray koox nabadoono iyo waxgarad ah oo sanadkii 2010 ciidamada Ethiopia xabsigau taxaabeen ka dib markii ay ka hadleen xadgudubyo dadka deegaanka loo geysto oo ay ku kacaan ciidamada maamulka Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ee u shaqeeya xukunka Addis Ababa. Waxaana caaqilku uu ku xirnaa xabsiga Jigjiga oo dadka deegaanka ay u yaqaanaan “Jeel Ogaadeen”.
Sida Shabakada Raxanreeb ay u sheegeen ehelada marxuum Caaqil Nadiir waxaa Khamiistii lagu soo wargeliyey inay soo qaataan meydka caaqilka oo xabsiga ku jiray, iyadoo boolisku sheegeen inuu dhintay oo kaliya. Mana jirin wax tafaasiil ah oo laga bixiyey geeridiisa.
Ehelada marxuumka waxay sheegeen inaan horey loogu soo sheegin wax xannuun ah ama xaalado kale oo Caaqilka soo wajahay maadaama uu saddex sano waqti ku dhow xabsi ku jiray sidaasidarteedna ay rumeysan yihiin in la dilay caaqilka oo ahaa nin aad ugu ololeyn jiray dadka Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed ku nool.
Waxaa la tuhunsan yahay in cirbad sun ah lagu duray Caaqilka intii uu xabsiga ku jiray inkastoo aan la sameyn baaritaan sababo la xiriira deegaanka oo aan laga heli karin dhakhtar casri ah iyo qalab arintaasi saamaxaya.
Allah ha u naxariistee Caaqil Nadiir Maxamed Dhiidhi waxaa da’diisa lagu sheegay 71 sano, waxaana xarigan dambe uu ahaa kii labaad oo ay xiraanciidamada Ethiopia isagoo hadda ka horna la xiray sanadkii 1982 ka dib dagaalkii dhexmaray ciidamadii Soomaaliya iyo kuwii dawladii hore ee Ethiopia.
Meydka marxuumka ayaa lagu aasay magaalada Jigjiga iyadoo sida ehelada noo sheegeen maamulka Jigjiga xitaa aysan ka hadlin geeridiisa.
Dad kale oo laga deyrinayo
Geerida Caaqil Nadiir ayaa imaaneysa iyadoo aad looga soo deyrinayo xaalada in ku dhow 2,000 maxaabiis odayaal, waxgarad iyo dhalinyaro Soomaali ah oo dhamaantood loo heysto inay ka hor  yimaadeen xukunka Ethiopia iyo inay xiriir la leeyihiin ururka ONLF ee dagaalka kula jira ciidamada Ethiopia. Dadkaasi badankood xitaa lama saarin wax maxkamad ah waxayna qaarkood xiran yihiin ku dhowaad sanad.
Ugaas Maxamed Duullane Ugaas Xaashi
Ugaas Maxamed Duullane Ugaas Xaashi
Dadka xaaladooda sida gaarka ah looga deyrinayo waxaa ka mid ah Ugaas Maxamed Duulane Ugaas Xaashi oo sida la sheegayo 25-kii bishii Maarso laga wareejiyey saldhiga booliska Jigjiga loona qaaday xabsiga Jigjiga (Jeel Ogaadeen) halkaasoo hadda lagu hayo iyadoon xaaladiisa cid ka soo warantay aaney jirin.
Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta madaxabannaan aya dhowr jeer shaaca ka qaaday warbixino tilmaamaya xadgudubyo xuquulqul insaanka ka dhan ah oo ay galaan askarta maamulka Addis Ababa kuwaasoo aaney xukuumada Meles Senawi dheg u dhigin.



RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...