
Waftigan uu hogaaminayo Garaad Abshir Garaad Saalax ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey qaar kamida madaxda maamul goboleedka khaatumo, golaha dhaqan ee khaatumo iyo dad weyne aad utira badan, iyadoona waftiga uu hogaaminayo Garaad Abshir Garaad Saalax lagaga hor tagay meel qiyaas ahaan ujirta degmada taleex 10 km.
Waftigan uu hogaaminayey garaad Abshir garaad Saalax ayaa waxa lagu soo dhaweeyey gawaadhi aad utira badan, iyadoona hareeraha wadooyinka degmada taleex ay dad weyne aad utira badani tunaayeen kuwaas oo watay caleema qoyan kuna dhawaaqayey erayo soo dhaweyn ah.
Waftigan uu hogaaminayey garaad Abshir ayaa waxa ay kasoo kici tameen magaala madaxda Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe.
Soo dhaweynta kadib ayaa garaad Abshir waxa uu kulamo la yeeshay madaxda maamulka khaatumo iyo qaar ka tirsan golaha dhaqan ee khaatumo oo uu kamid yahay garaad Jaamac garaad Ismaaciil Ducaale.
Dhanka kale magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa maanta waxaa jeelka loo taxaabay arday wax ka barata dugsiga sare ee ileys, kadib markii ay diideen in ay galaan imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare kaas oo ay soo diyaarisay wasaarada waxbarashada ee maamulka Somaliland.
Is qab qabsi iyo muran badan kadib ayaa waxa ay ciidamada Maamulka Somaliland si khabas ah jeelka ugu taxaabeen in ka badan 20 arday oo dugsigaasi dhigata.
Sidoo kale dugsiga sare ee muuse yuusuf ayaa isna ku gacan saydhay imtixaanka ay soo diyaarisay wasaarada wax barashada ee maamulka Somaliland.
Xafiiska Wararka Ee Raxanreeb.com
Laascaanood Soomaaliya
No comments:
Post a Comment