
Guddomiyaha guddiga doorashada madaxtinimada ee baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi Aar oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, April 2012 ay si rasmi ah u bilaabatay qabashada dukumintiyada musharixiinta dooneysa inay u tartamaan kursiga madaxtinimada.
“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07/04/2012 waxaan bilaabeynaa qabashada dukumintiyada musharixiinta iyo qaabilaadooda waxayna ku eg tahay 21/04/2012, haddii Alle idmana 30/04/2012 waxaa dhacaysa doorashada madaxweynaha oo lagu dooran doono magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibnaan Aar.
Sidoo kale waxaa shirka jaraa’id isaguna ka hadlay afhayeenka guddiga qabanqaabada doorashada Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim oo sheegay in jadwalkii loogu talagalay doorashada aysan waxba iskabedeli doonin, isagoona markale ku celiyey in baarlamaanka xaqu leeyahay qabashada madaxweynaha.
“Waa sharciyad baarlamaanka xaq u leeyahay inuu doorto madaxweyne dalka iyo dadka badbaadin kara” ayuu yiri xildhibaan Suleymaan.
Mudanayaasha baarlamaanka ee 13-kii Disembar xilka ka tuuray Shariif Xasan kadibna doortay Madoobe Nuuow ayaa bishii Febraayo shaaciyey inay qabanayaan doorasho madaxweynanimo oo waqtigeeda laga soo hormariyo iyagoo ku dooday in madaxweynaha KMG Shariif Sheekh Axmed uusan heysan sharciyad uu xafiiska ku joogo. Laakiin illaa hadda ma cadda sida doorashadu u dhici doonto marka la gaaro April 30-keeda.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment