Friday 12 October 2012

Ciidamada amaanka maamulka soomaliland oo xabsiga dhigay dad ka qeeyb qaatay dibad bax lagu taageerayay Magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub Ee soomalia



Filed under: News | 
Wararka ka immaanya Magaalda Laascaanood Ee xaruunta Gobaka Sool ayaa sheegaya in dad farabadan ciidamada ammanka magaaldaasi ay xabsiga dhigeen 15 qof oo kamkid ah tobanaan ruux oo ka qeeyb qadanayay Dibad bax lagu tageerayay magacaabista Ra’iisul wasaarha cusb ee jamhuuriyadda federalka ah ee somalia.
Dadkan xabsiga la dhigay ayaa waxa ka mid ah haweeyn qeeyb ka ahaa dibad baxa lagu taageerayay Ra’iisul wasaare C/faarax Shirdoon Saacid oo dhowaan loo magacaabay Xil Ra’iisul wasaarenimo Ee soomalia.
wararku waxa ay intaa ku darayaan in sidoo kale cabsi ay soo wajahday qaar ka mid ah suxufiyiinta ku sugan gobalka Sool Gaar ahaan wariyayaashii soo tabinayay Dibad baxa lagu taageerayay Ra’iisul wasaare Saacid.
sikastaba xaalku ha ahaadee maamulka soomaliland ayaa dadaal ugu jiray in kabadan 20 sanno in uu ka goosto dalka soomlia oo u noqdo dowladda ka madaxbannan Soomalia inteeda kale hayeeshee Riyadaasi ayaan u rumoobin illaa imminka

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...