![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Sunday, 14 October 2012 14:29 |
![]() Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo maalmahan kusoo biiray Xisbiga Dajmadiid,sanooyinkii ugu dambeeyana ku-nooolaa Magaaladda Qaahira ee Dalka Masar ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho kadib markii jago loo magacaabay.C/qaasim ayaa loo magacabaay (La-Taliyaha-Dhinaca-Siyaasadda)ee Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Xasan,inkastoo uu weli ka fikirayo inuu jagadan aqbalo,waxaana arintan ka caroooday Gudoomiyaha Xisbiga Damjadiid Sheekh Faarax C/qaadir (Sakiin-2)oo saaxiibkiis Madaxweynaha kula taliyay inuu ka noqdo inuu La Taliye dhinaca Siyaasadda u magacaabo Madaxweynihii hore C/qaasim oo maalmahan Muqdisho soo gaaray.Warar soo gaaraya Xafiiska Shacabkamedia ee Muqdisho ayaa sheegaya in magacaabistan ay carro ka muujiyeen dhamaan 12-ka ugu sareysa Xisbiga Damjadiid oo Madaxweynaha saaxiibkood ku cadaadinaya inuu (La-Taliyaha-Dhinaca-Siyaasadda)u magacaabin Ruug-Cadaa Oday C/qaasim Salaad Xasan,lama saadalin-karo inuu ku faa'idayo magacaabstiisa iyo inuu ku qasaari-doono,inkastoo magaacibistiisa ay hor is-taagan yihiin 12-ka nin ee ugu sareeya Xisbiga Madaxweynaha uu ka tirsan-yahay ee Damjadiid.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
Last Updated on Friday, 19 October 2012 22:10 |
No comments:
Post a Comment