Monday 29 October 2012

WAR HADDA SOO DHACAY: Abwaan Warsame Shire Cawaale Oo Goordhow Lagu Dilay Muqdisho


Muqdisho(RBC Radio) Waxaa caawa maqribkii magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari lagu dilay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ahaa abwaanada sida weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho.
Abwaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen kooxo hubeysan kuwaasoo ku toogtay isagoo ku sii jeeda gurigiisa sidaas waxa goordhow RBC Radio u sheegay wariye ka tirsan Idaacadda Kulmiye.
Abwaanka ayaala sheegay in uu waayihii dambe ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah Idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Wuxuu ka tirsanaa fannaaniin iyo wariyaal soo saari jiray sheekada Shandaraleey oo ka baxda Idaacadda Kulmiye sidaas waxa RBC Radio u sheegay wariye ka tirsan Idaacadda Kulmiye.
Ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay dilka caawa loogu geestay allaha u naxariisto abwaan Warsame Shire Cawaale, waxana uu dilkiisa ugu dambeeyay dilal taxane ah oo dhawaanahan ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan wariyaasha iyo dadka ka shaqeeya Idaacaddaha.
Kooxaha dilka geestay oo ku hubeysnaa bistoolada ayaa la sheegay in durba ay ka baxsadeen goobta, mana jirto cid loo qabtay.
Abawaanka Warsame ayaa la sheegay in uu dhalay fannaanada weyn ee Ayaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ah fannaaniinta dhawaan soo baxay.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

1 comment:

Anonymous said...

esjk [url=http://okbeatsbydrecheap.com]Beats Headphones[/url] elxn http://okbeatsbydrecheap.com zrdj ukqr [url=http://beatsbydresalesok.com]Beats By Dre Sale[/url] quaj http://beatsbydresalesok.com jhyb bibf [url=http://okbeatsbydreus.com]Beats By Dre Headphones[/url] amnc http://okbeatsbydreus.com wxex gadv [url=http://salebeatsbydreoutlet.com]Beats By Dre Outlet[/url] tyvh http://salebeatsbydreoutlet.com dsca

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...