Wednesday 24 October 2012

XOG: Kooxda “Damu Jadiid” oo Qaadaneysa Wasaaradaha ugu Mumihsan Dawlada Cusub (Magacyo La Helay)


 Muqdisho (RBC) Xilli raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu ku jiro sugitaanka ansixinta golaha baarlamaanka dalka ayaa dhanka kale kooxda Damu Jadiid oo ah kooxda maamusha madaxtooyada dalka ayaa waxay soo diyaarsatay ragga u fariisan lahaa wasaaradaha waaweyn ee xukuumadda cusub.

Ilo wareedyo la hadlay Raxanreeb ayaa sheegay in kooxdu ay dalbatay illaa 11-wasaaradood oo a mid ah xukuumadda, taasoo qeyb ka ahayd shuriidihii lagu soo xulay raysul wasaaraha cusub oo si rasmi ah u aqbalay dalabkaasi ka hor intii aan la magacaabinSabtidii 06/10/2012.
Xulista raysul wasaaraha cusub iyo dalabka Damu Jadiid waxay ahayd caqabada ugu weyn ee hortaalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 26-kii maalmood ee uu kala shaandheeynayey liisaska in ka badan 20 musharax oo xilka raysul wasaaraha dooneysay.
Mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxweynaha oo aan rabin la magacaabo ayaa sheegaya in “madaxweynuhu illaa afar musharax oo ka mid ahaa kueii soo dalbaday xilka raysul wasaaraha ay ka diideen dalabka ah in 11 wasaaraood ay noqon doonaan kuwa Kooxda Damu Jadiid” taasina ay ahayd sababtii keentay in illaa 20 nin oo sharaxnaa uu madaxweynuhu kala soo dhex baxo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.  [AKHRI TAARIIKHDA RAYSUL WASAARAHA]
“Way dhici kartaa in isaga [Cabdi Faarax Shirdoon] uu ka wareegto dalabkaasi laakiin ballantii hore way ku jirtay..” sidaasi waxay Raxanreeb ka soo xigatay ilo wareedyada ka gaabsaday in la magacaabo.
Wasaaradaha Damu Jadiid
Kooxda Damu Jadiid oo si tartiib tartiib ah beryahan u soo saareysay awoodeeda gudaha ee madaxtooyada ayaa hadda waxay cabiratay illaa dhowr wasaaradood oo ka mid ah kuwa waaweyn “key ministries” ee dawlada iyadoo xitaa durba la magacdhabay ragga loo dhiibayo wasaaradahaasi.
Raxanreeb waxaa u suurtagashay inay hesho qaar ka mid ah ragga loo badinayo inay kooxdu keensato wasaaradahaasi oo ay ugu horeeyaan;-
1) Wasaaradda arimaha dibadda: Waxaa ku dhagan Faarax Sheekh C/qaadir oo ah gacanta midig ee madaxweynaha oo illaa hadda ku doodaya in xilkaasi uu isagu qabto, laakiin kooxda dhexdeeda iskuma raacsana, waayo Faarax C/qaadir waxaa uu ka soo jeeda beesha Reer Aw-Xasan oo aanan beelaha afarta ah (Hawiye, Daarod, Dir iyo Raxanweyn) waxba la qeybsanin balse lagu xisaabiyo beesha Shanaad.
Qaar ka mid ah xubnaha kooxda oo Raxanreeb si hoose ula hadlay ayaa ku dooday inaysan suurtagal ahayn in Faarax loo dhiibo wasaaradda arimaha dibadda, madaxweynuhuna ku qanciyey in Faarax loo dhiibo xil kale- ugu yaraana safiir mid ka mid ah wadamada Carabta looga dhigo. [WAA KUMA FAARAX]
2) Wasaaradda arimaha gudaha: Waxaa xilkan loo diyaariyey C/kariin Xasan Guuleed oo ka mid ah aas aasayaasha kooxda Damu Jadiid ahna xubin ka tirsan Xisbigii Nabadda iyo Horumarka ee madaxweynaha uu hogaamin jiray.  Waa nin ka soo jeeda beesha Sacad/Habargidir oo horeyna xilkaasi u heysay beel ahaan.
C/kariin waxaa dhanka kale uu kaalin muhim ah kaga jiray markasta dhaqdhaqaaqyada kooxda Damu Jadiid.  Isaga iyo Faarax C/qaadir waxay ka mid ahaayeen raggii ugu horeeyay ee horbooday go’aankii kooxdu kaga goosatay ururka Al-Islaax (Qadiimka) markii Damu Jadiid ay la safatay garabkii Maxkamadaha Islaamiga ee hubeysnaa sanadkii 2006, xilligaasoo odayaashii milgaha u hayey Al-Islaax ay ku adkeysteen in Maxkamaduhu argagixiso ahaayeen. [Akhri warbixin Al-Islaax]
3) Wasaaradda waxbarashada: Ilo wareedyada Raxanreeb u waramay waxay sheegeen in wasaaradda waxbarashada loo dhiibi doono Faarax C/qaadir haddii uu ku qanci waayo xilka safiirka ee uu madaxweynuhu ku qancinayo illaa hadda.
Waxbarashada waa meel uu aqoon fiican u leeyahay Faarax waayo wuxuu ka mid ahaa aas aasayaasha Jaamacadda SIMAD iyo Dallada Waxbarashada FPENS oo illaa hadda uu ku lug leeyahay.
4) Wasaaradda Warfaafinta: Waxay kooxdu soo xulatay Dr Maxamed Nuur Gacal oo hadda ah madax goboleedka Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka “O.I.C” ee Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ee haddana Islaamiga ah ee illaa hadda Damu Jadiid ku tashato.
Dr Gacal oo ka soo jeeda beesha Murusade/Hawiye waa mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee kooxda Damu Jadiid.  Waxa uu wax ku bartay dalka Suudaan, waxayna weligiis xiriir dhow lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faarax C/qaadir.
5) Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Warar kale oo isla kooxda laga helay waxay sheegayaan in ay suurtagal tahay in Dr Maxamed Nuur Gacal loo dhiibo wasaaradda macdanta iyo biyaha oo ka mid ah meelaha ay kooxda waqtigan indhaha ku heyn doonto maadaama dawladu ay ka gudubtay ku-meelgaar isla markaana la fili karo in shirkado shisheeye ay maalgelin ku sameeyaam soo saarista macdanta iyo kheyraadka kale ee dalka.
6) Wasaaradda ganacsiga: Markii hore waxaa lagu waday in shakhsi kooxda ka mid ah oo degan Hargeysa loo magacaabo laakiin, sida ilo wareedyada ay sheegayaan hadda waxaa ku yimid isbedel wasaaraddan, waxaana la filayaa in loo dhiibo Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha.
Abtidoon (oo ku magac dheer Koofi Shabaq) waa shakhsi muuqaal fiican ku dhex leh Kooxda lagana jecel yahay inta badana ogol tanaasulka sidaas darteed baa isaga had iyo jeer loogu dhigtaa keyd ahaan.
Wasaaradaha kale ee la fili karo waxaa ka mid ah; Wasaaradda Maaliyada iyo Wasaaradda dekedaha oo madaxweyne Xasan Sheekh aad uga tuhun qabo inuu ka dhaco musuqmaasuq, si looga hortagana wuxuu madaxweynuhu ku dadaalayaa in labadan wasaaradood la geeyo shakhsiyaad aqoon leh madaxweynuhuna ku kalsoon yahay.
Sidoo kale maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekeda Muqdisho oo ah isha kaliya ee hadda dawlada dakhliga ka soo galo ayaa sidoo kale isbedel weyn lagu sameyn doonaa isla markaa golaha wasiirada la shaaciyo.
Talaabadan oo kale waxay kooxdu ka sameysay gudaha madaxtooyada oo boosaska muhimka ahaa ee xafiisyada Villa Soomaaliya ay dhigeen rag ka tirsan kooxda Damu Jadiid iyagoo bedelay xubnihii “Aala Sheekh” ee meersha ku xidideystay. [AKHRI WARBIXIN]
Ragga kale ee saameynta ku dhex leh kooxda
- Jamaal Maxamed Baarow; oo ahaa xubin ka tirsan Xisbiga iyo Kooxda Damu Jadiid ayaa isaguna heli doona xil wasaaradeed; ilo wareedyada ayaa sheegaya in halka wasiir ee beesha Jareerweyne yeelan doonto uu ku fariisan doono Jamaal Baarow oo dhowaan safar caafimaad ka soo laabtay.
Kooxdu waa inay qancisaa Jamaal Baarow oo jagada hab maamuuska madaxtooyada (Protocol) looga qaaday Kamaal Daahir Guutaale [AKHRI WARBIXIN KU SAABSAN] sidaasi darteedna in xil wasiir loo dhiibo markan waa gar.
- Faarax Cabdisamad; Inkastoo uu kooxda ka tirsan yahay haddana ma ahayn nin beryahan saaxadda ka dhex muuqday.  Wuxuu  isaguna heli doonaa xil wasaaradeed, sida ay sheegayaan ilo wareedyada waxaa ina Cabdisamad loogu yeeray inuu buuxiyo kaalinta beeshiisa (Ogaadeen) si dawlada cusub arimaha Jubbooyinka ee buuqa uu hareeyay u furdaamiso.
- Fahad Yaasiin; oo ah ninkii madaxda ka ahaa xafiiska telefishanka Al-Jaseera Carabi ee Soomaaliya oo dhowaan shaqadaasi iska casilay kadib markii kooxdiisa (Damu Jadiid) ay madaxtooyada ku guuleysteen, ayaa isaguna lagu wadaa in xil safiir laga siiyo wadamada Carabta midkood.

1 comment:

Anonymous said...

dugi [url=http://okbeatsbydrecheap.com]Beats By Dre[/url] uvzc http://okbeatsbydrecheap.com qnge fxvf [url=http://beatsbydresalesok.com]Beats By Dre Sale[/url] xmhv http://beatsbydresalesok.com khjo lkut [url=http://okbeatsbydreus.com]Beats By Dre Headphones[/url] vrfj http://okbeatsbydreus.com fjzo btjr [url=http://salebeatsbydreoutlet.com]Beats By Dre Outlet[/url] tdmt http://salebeatsbydreoutlet.com kqcn

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...