Monday 29 October 2012

Raysalwasaarihii hore ee DKMG Proff Cabdiweli Gaas oo Boosaaso si weyn Loogu Soo Dhaweeyey[Sawirro+Codad]



Boosaaso[RBC Radio] Raysalwasaarihii hore ee Dawladda KMG ahayd Xigaana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.
Xildhibaan Proff  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xubnaha Wafdigiisa oo kasoo kicitimay magaaladda Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar,ayaa looga hortagay ku dhawaad meel 60-KM u jirta magaaladda,wuxuuna gacan qaaday Odayaal,Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Ganacsato,Isagoona ugu mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee loo sameeyey.
Cabdicasiis Siciid Gacamey”"Baduugaaye”" oo ka tirsnaan jiray Hogaanka Ciidanka Booliska ee Xukuumadii Cadde Musse
Odayaasha,Waxgaradka iyo Ganacsatadda gobolka Bari ayaa u sheegay Raysalwasaarihii hore ee Dawladda KMG ahayd ee Soomaaliya Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inay gacamo furan kusoo dhaweynayaan Proff-ka isla mar ahaantaana magaaladdu ay tahay tiisii xili kastana looga baahanyahay.
Xildhibaan Proff Gaas oo Odayaasha iyo Waxgaradkii soo dhaweeyey u mahadcelinaya Afaafka hore ee Boosaaso-na kula kulmay
Waxa uu isna dhankiisa sheegay Mudane Xildhibaan Cabdiweli Gaas ayaa uga mahadceliyey Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Bari sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen,wuxuuna Intaas ku daray in uu hadda joogo dhulkiisa isla markaana uusan ka Imaan dhul kale iyadoona buu ay farxad i tahay inaynu Iswareysano.
..”"Aad baan Idin salaamayaa Odayaasha iyo Waxgaradka reer Boosaaso.aad baan idin kaga mahadnaqaya soo dhaweyntiina inaad isoo baxdaan oo irida soo Istaagtaan,inaad i marxabeysaan,saad sheegteen anigu waxaan Joogaa dalkeyga Hooyo,dhul ajanbi ah ma imaanin een farxad weyn bey i tahay runtii inaan idin soo booqdo oo aan Is wareysano..”"”ayuu yiri Proff Gaas.
Proff Gaas ayaa Odayaasha ka balanqaaday inuu kulamo ku Saabsan Xaaladda deegaanka uu ka Waraysan doono inta uu ku suganyahay Boosaaso isla mar ahaantaana uu si weyn ugu riyaaqay doorka ay Odayaashu kaga Jiraan dhanka Nabadda,sidoo kalena wuxuu xusay in uu yahay Dibad jooga balse uu ka doorbiday in uu Shacabka uu Xildhibaanka u yahay ka Xogwareysto Xaaladooda.
Ex-Raysalwasaare Gaas haddana ah Xildhibaan Baarlamaan oo Gacan qaadaya Odayaasha iyo Waxgaradka soo dhaweeyey
…”"”Saad la sooctaan anigu meel kale kama imaanin ee caasimadii wadankan ka imid oo dawladii Qaranka lagu soo dhisay haddana intaan soo laabto anigu Qurbaawi baan ahaaye yacni intii aan dibad isaga laaban lahaa waxaa is iri Xildhibaana waa tahaye dadkii aad Xildhibaanka u ahayd horta bal Xaaladda ay ku suganyihiin soo fiiri oo soo arag…”"“ayuu yiri sidoo kale.
Boqolaal kamid ah shacabka magaaladda Boosaaso oo watey Caleemo qoyan oo Caggaaran iyo boorar ay ku xardhanaayeen hal ku dhigyo ay kamid yihiin “”PUNTLAND WEY KUU BAAHANTAHAY “”iyo erayo kale ay ku Cabirayeen dareenkooda Imaatinka Xildhibaan Cabdiweli Gaas,waxaana uu mid mid u gacanqaaday dadkii Isugu yimid soo dhaweyntiisa isagoona Wajigiisa laga dheehan karay farxad mug weyn.
Boqolaal Shacab ah oo soo dhaweynaya Ex-Raysalwasaare Gaas xili ay ku sugnaayeen Kantaroolka Boosaaso laga soo galo
Raysalwasaarihii hore ee Dawladda KMG ahayd Xiligaana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xubnihii la socday ayaa magaaladda waxaa usoo gelbiyey Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Galan iyo Duqa degmadda Boosaaso Xassan Cabdala Xasan,iyadoona la dejiyey Guriga Ilma Muuse Boqor.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo Saxaafadda kula hadlay hoyga Proff Gaas ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdiweli uu yimid deegaankiisii,dalkiisii isla markaana hawsha uu wado ay noqoto mid si qurux badan ku bilaabata kuna dhamaata.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo Saxaafadda kula hadlay hoyga Proff Gaas ka dib soo dhaweyntiisa Boosaaso
…”"Waxaan kusoo dhaweyneynaa magaaladda Boosaaso Raysalwasaarihii hore ee Dawladda KMG ahayd Proff Cabdiweli haddana ah Xildhibaan ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya Isga iyo Wafdiga uu Hoggaaminayo ee balaaran,waxaanu leenahay kusoo dhawaada gobolka Bari,waxaad u timid dadkaagii,deegaankaagii iyo dalkaagii si diiran baana kusoo dhaweyneynaa anigoo ku hadlaya bulshaweynta gobolka Bari farxad bey noo tahay…”"ayuu yiri Cabdisamad Galan.
Xildhibaan Gaas oo isna hadal kooban siiyey Suxufiyiinta ayaa mahadcelinta soo dhaweyntiisa ka sokow sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee u yimaado magaaladda Boosaso iyadoona uu yimid xiligii uu ahaa Raysalwasaaraha DKMG ah markaasoo ay wada socdeen Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole.
Ex-Raysalwasaare Gaas oo Shacabka Puntland ku amaanay hurumarka iyo Nabada ay gaareen mudadii uu jiray Maamulkoodu kuna booriyey iney adkeystaan Nabadgelyadooda.
..”"Runtii aad bey i farxad gelinaysaa sida Walaaltinimadda leh,ehelnimadda leh,Soomaalinimadda leh ee aad isoo dhaweyseen waan idin kaga mahadnaqayaa,Guddoomiyaha gobolka iyo Madaxda kalena wey ku mahadsanyihiin soo dhaweyntooda,..”"ayuu yiri
Sidoo kale waxa uu yiri ..”“Aniga hadda Socdaalkeygu maadaama aan ahayd Xildhibaan ka tirsan gobolka,waxay ahayd inaan idin soo booqdo fursad uma helin waagii hore reer Boosaaso si fiican isu argno haddase waxaan rajeynayaa inaa fursadi u heli doono wakhti badan baan haystaaye inaan dadka is ragno,Iswaraysano,mandiqadeeda,horumarkeeda iyo Nabadeedana lagawada shaqeeyo dawlad iyo shacaba…”"”ayuu yiri.

Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Bari Qaar kamid ah oo soo dhaweynaya Ex-Raysalwasaare Gaas
Waxa uu tilmaamay in Puntland muddadii Afar iyo tabanka sanno ahayd ee ay jirtay ay gaartay horumar la taaban karo isla markaana loo baahanyahay buu yiri in horumarku uu intaas ka sii bato taasina waxaa lagu gaari karaa ayuu yiri iyadoo Wadajir iyo Midnimo isu bahaystaan Shacab iyo maamulba.
…””Puntland afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxay haysatay Nabadgelyo,waxay sameysay horumar la taaban karo,waxaan rabnaa horumarkas in uu intaas kasii bato in Nabadu xidideysato,in dib u dhiska iyo horumarka mandiqadu ay gaarto heerkii loo baahnaa ay si fiican u gaarto taasina waxaa lagu gaari karaa wadajir iyo Midnimo meel u wada jeeda, kuna baraarugsan iney ku dadaalaan horumarkooda…”Ayuu yiri Gaas.
Si kastaba Xildhibaan Cabdiweli Gaas ayaa fiidnimadii xalay khudbad taariikhi u jeediyey qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaaladda Qardho,waxaana Socdaalka Mudane Gaas uu ku micneeyey u kuurgelidda Xaaladaha deegaanadda Puntland,iyadoona sidoo kale uu booqasho kusoo kala bixiyey degmooyinka Goldogob,Gaalkacyo,Garoowe,Qardho,Carmo, iyo Boosaaso oo u maanta soo gaaray.
____________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...