Tuesday 30 October 2012

DAAWO SAWIRADA: Alaha U Naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare Oo Muqdisho Lagu Aasay


Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay alaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka mid ahaa suxufufiliyiinka ka howlgala magaalada Muqdisho isla markaana u geeriyooday dhaawac ay gaarsiiyeen kooxo hubaysan dhowaan.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan bahda Saxaafada oo ay kamid ahaayeen shaqaalihii uu la shaqeynaye ee Idaacada Shabeele kuwaasi oo gabi ahaanba muujinaye dareen ku aadan sida ay kaga xun yihiin kooxha ka danbeeyay dilka wariyahaan.
Cabdi Maxamed Ismaaciil Cabi Cuud oo ka mid ah masuuliyiinta idaacada Shabeelle oo uu wariyahaan ka tirsanaa ayaa wuxuu sheegay in maamulka shabeelle uu aad kagaga xubyahay kooxaha geestay dilkaan wuxuuna tacsi u diray dhamaanba eheladii uu ka geeriyooday Maxamed Tuuryare.
Cabdi Cuud ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamid rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka wariyaha kaasi oo la qabtay xilli uu ku sugnaa Isbitaalka Madiina,iyadoo dhaawaca marxuumka geeriyooday lagu dabiibaye Isbitaalkaasi.
Sidoo kale qaar ka mid ah suxufiyiintii ay wada shaqaynayeen marxuunka geeriyooday ayaa  iyana waxay ka hadleen geerida marxuumkaan waxayna sheegeen in ay ka xunyihiin geerida Maxamed Maxamuud Tuuryare.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...