
Magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba masuuiyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha la socday masuuliyiin uu hogaaminayay oo la tagay magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waliba Wafdigiisa waxay kulan la soo qaateen qaar ka mid ah dadka magaalada Baydhabo saraakiil ka tirsan AMSIOM iyo saraakiisha dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxa uu khudbad u jeediyey kumanaan shacabka reer Baydhabo ah oo uu kula hadlay goob fagaare ah waxaana uu ku ammaanay shacabka gobolka Baay sida ay Ciidammada ammaanka kala shaqeeyeen Nabadda.
Xasan Sheekh wuxuu kula dar daarmay dadka magaalada Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaaladaasi si amaanka looga wada shaqeeyo.
Safarkan uu maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku tagay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo uu kaga ambabaxo magaalada Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment