Friday 12 October 2012

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo sheegay in Caalamku uu doonayo inuu wax ka qabto arrimaha Soomaaliya



Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in caalamku uu doonayo inuu wax ka qabto arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa'iideystaan qorshayaasha caalamka uu wax uga qabanayo Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Uganda oo uu kaga qaybgalay dabaal-deg loo sameynayay sannadguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaas uu xoorriyadiisa ka qaatay dalka Ingiriiska.

"Caalamku wuxuu diyaar u yahay inuu wax ka weyn ka qabto arrimaha Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa'iideystaan arrintaas," ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in diyaar loo yahay in wax walba oo ay Somalia la timaaddo loo kordhiyo.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xilligan ay dhammaatay waqtigii la dhahayay Soomaaliya sidan ayaa u roon, balse maanta la joogo in la yiraahdo Soomaalidu maxay doonayaan oo aan ka saacidnaa.

"Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay ka faa'iideystaan sida uu caalamku ugu heelan yahay, waayo waxaa la doonayaa in dalka ammaankiisa dib loosoo celiyo, waana in laga-wada qaybqaato," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kulammo kala duwan kula soo yeeshay dalka Uganda madax ka socday dalalka Afrika qaarkood iyo kuwa calaamka, isagoo kala hadlay in Soomaaliya laga caawiyo wixii ay doonayso.

Dalka Uganda oo uu marti u ahaa ayuu ka dalbaday madaxweynaha dalkaas inuu ciidammo dheeraad ah ku kordhiyo kuwa ka jooga Soomaaliya, si ammaanka guud ee dalka Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...