Wednesday 11 November 2009

Baaq Ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Absame Oo ku Socda xildhibaan Cabdirashiid Xiddig Warkii 07-Nov-2009 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho

Waxaan aad ula yaabnay markaan maqalnay hadalada ka soo yeeray mudane Xiddig oo dadweynaha Jubooyinka ay u hanweynaayeen. Xiddig oo waagii ay maamulka Puntland u dhiibeeen Itobiya qaar ka mid ah shacabka halkaa dagan ee reer Ogadenya aadka uga dhiidhiyay inuu maanta ku hadlo ereyo uu ku taageersan yahay Faroole dadka shacabka ee Boosaaso inta lagu qabqabto ka dibna dambiga looga dhigayo waxay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF aad baan uga xunahay. Waxayna na soo xusuusisay siyaasadihii ay 60maadkii ku dhaqmi jireen qaar ka mid aha siyaasiyiinta Jubbada Hoose oo marka ay doonayaan jaga wasiirnimo hoos galgalan jiray Majeerteenka.

Waxaan u sheegaynaa mudane Xiddig iyo xildhibaanda kale ee ku dhex jira siyaasadda Somaliya inay madaxa kor u qaadaan oo si fiican u darsaan siyaasadda maanta ka jirta Somaliya. Mudane Xiddig iyo kuwa kaleba waxaan ku leenahay jagada xildhibaanimada idiinma dhiiban Faroole iyo reer Puntland ee waxaa idiin dhiibtay ood masuul ka tihiin danaha shacabka Absame. Hadaad ka waantoobi waydaan liidanaanta oo aad isku daydaan inaad jaga wasiirnimo ku raadsataan raali galinta Faroole iyo kooxdiisa, waxaad ogaan doontaan maalin aan maanta ahayn cawaaqib xumada aad ka dhaxashaan.

Midda kale waxaan ugu baaqaynaa Md. Xiddig inuu dib ha u dhagaysto hadaladii uu ku hadaaqay Faroole maalmihii la soo dhaafay oo haduusan ku kalsoonayn Somalinimadiisa oo uu ka baqay in laga xanyuubiyo xildhibaanimada, oo hadalada uu kaga hadlay Garowe uu ku raali galinayo, waxaan leenahay shacabka Absame wuu ka gudbay marxaladaa wuxuuna u soo jeedaa inuu hanto dhamaan dalka uu ka dagan yahay Geeska Afrika.

Ugu dambayn, fal dambiyeedka laga galay shacabka Ogaden ee dagan Boosaaso oo Somaliyoo idil ay cambaareeyeen, waxaan ka codsanaynaa md. Xiddig inuu cadyn iyo raaligalin ka bixiyo, haduu doonayo inuu matalo danaha shacabka Absame.


Golaha Guurtida Absame / Jubbaland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...