Warkii 03-Nov-2009 iyo Qormadii: Mohamed bishaar
Degaanada puntland waxaa ka howlgala idaacado iyo Tv kuwaas oo ay ka howlgalaan wariyaal fara badan , oo diyaar u ah inay Wararka u soo gudbiyaan bulshada ay u shaqeynayaan , , hadaba markaad dhinacyo badan fiiriso saxafada ka howgasha degaanada Maamul Gobaleedka puntland Ayaa noqtey Mid Baal martey Sharcigii saxafada.
Idaacadahas ayaa noqodey Inay ku hadlaan oo qura afka Dowlada Puntland madaama
Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Puntland, C/shakuur Mire Aaden ,uu ku amray in saxafigii soo gudbiya Waraan Puntland wax ka ogeyn Maamulka puntland ay gacan bira ku qabanayaan sidoo kale taas waxaa sii dheer xadhigyada loo geysanayo Weriyayaasha.
Xukuumaada Puntland ayaa cadaadis xoogaagan ku saartey suxufiyiinta Wararka ay soo gudbinayaan inay noqdaan kuwa amaan gaar ah u leh maamulka Puntland, sida u horey u cadeeyey Wasiir ku xigeenka howlgala Radio iyo Tv Puntland ku yaal.
Idaaacadaha horseedmedia,ETN-tv,RadioGarowe iyo Deljir iyo Weliba SBC,Radio, ayaa noqdey kuwa aan dhexdhexaad ka ahayn xaalada haatan ka jirta Somalia iyo Puntland, Maadama ay noqdeen saxafad hoostagta aqalka madaxtooyada Puntland ee Faroole, , islamarkaasna ka leexaday sharcigii saxafada xorta Ahaa,, iyagoona bulsha puntland ka dabooley waxyaalo fara badan oo ku salaysan xaqiiqada dhabta ah.
Idacadahaas ayaa ah kuwa laga sheego waxyaalo farabadan oo ka baxsan anshaxa saxaafada
madaxabanaan,isla markaana ka fog xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanadaas.
Sidoo kale idaacadahani Waxay cadeysteen inaysan wararkooda dhexdhexaad ka noqon , ayadoo mararka qaarkood website-yada ay leeyihin lagu faafiyo Warar lagu aflagaadeynayo shakhsiyaad muhiim ah,oo bulshada ka mid ah,laguna waraysanyo shakhsiyaad aan munaasib ahayn in la waraysto,sidii ninkii xanuunsanayey ee ay ka waraysteen Buuhoodle,taasoo keentay nabadgelyo xumo.
Si kastaba Ha ahaatee, idaacadaha iyo TV yada ka howlgala puntland ayaa haatan ah kuwa u afdaboolan Maamulka Puntland iyagoo bulshadiina ka xanibay inay u soo gudbiyaan xaqiiqada dhabta ah ee jirta,waxaana hanjabaad,xadhig,iyo xanibaad la saaraa,idaacadaha kale ee laga leeyahay qaybaha kale ee Soomaaliya,iyo weliba idaacadaha caalamiga ah,sida VOA iyo BBC.
Mohamed bishaar
Bishar21@hotmail.com.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...

-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment