Monday 30 November 2009

Qardho: Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlay falalkii amaan daro Bishii November & Khilaafka Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya…WAR

Qardho(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo markii uu soo gaaray Puntland sheegay in uu ka baxay Siyaasada Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee ka taagan Puntland, qaarkood gaar ahaana dilalkii iyo falal amaan daro oo ka dhacay Puntland Bishan November iyo khilaafka udhaxeeya dawladda Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo qadiyah arrimahan mowqifyo ka iska taagay.

Madaxweynihii hore oo la hadlayay Laanta Af-ka Soomaaliga ee Idaacada Codka Mareykanka ayaa usheegay in Puntland nabad ahayd waligeed, balse bilihii ugu dambeeyey ay jireen falal amaan daro, kuwaas oo uu sheegay in ay salka ku hayeen aanooyin qabaa’il waa sida uu hadalka udhigaye.

Cadde Muuse ayaa tibaaxay in falkii lugu dilay Mudanihii ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ee Ibraahim Cilmi Warsame (Gaab) uu ahaa mid ay ka dambaysay aanooyin qabaa’il, isagoo sheegay in uusan rumeysneyn in ay falkaasi lug ku leeyahay arrimaha Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya.

Hadalka Cadde Muuse wuxuu ka lid ku noqonayaa hadal uu dhawaan jeediyey Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed oo 27-kii November, usheegay Dadweynaha Puntland in falkii lugu dilay Garsoore Maxamed Cabdi Awaare iyo Xildhibaan Ibraahim Cilmi Warsame ay ahaayeen kuwa Siyaasadeed oo isku xiran, isla markaasna ladoonayay in caqabad looga dhigo horumarka iyo amaanka Puntland, isagoo sheegay in ay soo qaban doonaan dhagar qabayaasha arrimahaasi fuliyey.

Madaxweynihii hore wuxuu kaloo intaasi raaciyey in qaraxyada iyo waxyaabihii dhacayay November oo dhan oo ay ahaayeen kuwa aanooyin qabaa’il, isagoo aan tafaasiilad ka bixin cida ay yihiin dadka ka dambeeya arrimahaasi iyo qabaa’ilada ugaarsigu ka dhaxeeya waqtigan.

Mar la weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay khilaafka Puntland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayuu sheegay in uusan jirin khilaaf weyn, balse uu jiro is qabad laysku qabtay qodobada qaarkood iyo sida loo dhigayo, isla markaasna hada lugu jiro sidii wax loga qaban lahaa.

Jeneraal-ka ayaa ku sifeeyey qodobada laysku qabtay kuwa laga heshiisiin karo oo go’aan cad laga qaadan karo, isagoo sheegay in ay hada dhinacyada usocdaan wada xaajoodyo kala gedisan, isla markaasna ay Puntland ka tirsan tahay dawladda Faderaalka KMG ah ee Soomaaliya, waligeedna ay ka tirsanaan doonto.

Maxamuud Muuse wuxuu ka hor yimid in ay Puntland saluugsan tahay hogaanka sare ee dawladda KMG ah, ayna si beel ahaana uga soo horjeedo Madaxweynaha hanaanka Faderaalka Shariif Sheekh Axmed, maadaama ay horay utaageeri jireen dawladii uu hogaamiye ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmad, wuxuuna Cadde Muuse ku tilmaamay Shariif Sheekh Axmed iyo C/laahi Yuusuf labo shaqsi oo Masuuliyiin ka soo noqday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, oo aysan si beelaysan uga heelineyn Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore wuxuu muujiyey mawqifkiisa ku aadan qodobka laysku qabtay qaarkood, oo ay ka mid yihiin magaca Puntland ay soo hordhigtay dawladda Faderaalka oo noqday dawladda Puntland ee Soomaaliya, wuxuu ku sifeeyey Cadde Muuse in ay og yihiin oo kaliya Magaca dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, isagoo sheegay in uu kaas aaminsan yahay.

Cadde Muuse ayaa ka dayriyey amaanka Puntland 27- November, isagoo la hadlayay dadka magaalada Qardho, wuxuuna sheegay in ay dadku ka shaqeeyaan xaaladaha amaanka, ayagoo taageeraya dawladda Puntland, isla maalintaasna wuxuu ka digay wax ka badal lugu sameeyo ciidamada Birmadka Booliska oo uu asaaskoodii tiir dhexaad u ahaa iyo ciidamada P.I.S-ta Puntland, kuwaas oo ka sii horeeyey dhismahoodu, wuxuuna shaaciyey in ay baarlamaanka Puntland arrimahaasi ay ku howlan yihiin.

Jeneraal Maxamuud Muuse Boqor ayaa sannadyadii uu xukumayay Puntland lugu tirinayay sannadyo ay soo mareen xaalado kala gedisan, kuwaas oo ay ka mid yihiin falal burcad badeednimo oo waqtigaas ka bilowday Puntland, ilaa maantana socda, Afduubyo magaalooyinka dhexdooda ah oo ay waxba ka qaban weyday Xukuumadiisii, dagaalo lugu soo qaaday, deegaano si fudud loogala wareegay Maamulkiisa oo ay ka mid ahayd magaalada Laascaanood ee gobalka Sool oo laga qabsaday 15- October- 007 , Mushaar la’aan Shaqaale oo ay ka cabanayen Shaqaalaha dawladda ciidan iyo rayidba, Kala dirid ciidamadii dawladda Puntland oo dibu habeyntoodu waqti dheer ku qaadatay dawladda cusub ee Puntland, Sameynta Lacagihii faalsada ahaa ee suuqyada Puntland ugeystay sicir bararka xooga leh, oo lugu tirinayay in ay dawladdiisii qeyb wanaagsan ku lahayd lacagahaasi iyo qodobo kale oo dhamaantood hoos udhac ukeenay amaankii Puntland.

Dhamaan arrimahaasi ayaa dhaxalsiiyey Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) in uu codadkii doorashada Madaxweyne-nimada Puntland ka helo Mudanayaasha baarlamaanka codad aan isku dar ka badneyn 15 cod, waxaana soo laabashadii uu dhawaan ku soo laabtay Puntland ay dadku siyaabo kala gedisan uga hadlayeen, waxaana uu sheegay in lala shaqeynayo dawladda Puntland, isagoo markaasna sheegay in uu ka baxay Siyaasadii Soomaaliya 47 sanno oo uu ku soo jiray, balse uma muuqdo Madaxweyne Cadde Muuse mid ka dhabeeyey balan qaadkaas, maadaama uu wali ka hadlayay arrimo kala gedisan oo Siyaasadeed.

1 comment:

Anonymous said...

Aωesοme blog you have hеге but I was curіouѕ аbout if уou kneω οf any mesѕagе
boагdѕ that coνer thе sаme toρіcs talked about here?

I'd really love to be a part of group where I can get suggestions from other experienced individuals that share the same interest. If you have any suggestions, please let me know. Thanks!

My site: Same Day Payday Loans

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...