Muqdisho (RBC) Xarakada mujaaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday inaysan u hogaansami doonin dalabka isdaba jooga ah ee beryahan ka soo yeerayey qaar ka mid ah hay’adaha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxa gurmadka abaaraha ee xarakada Shabaab Sheekh Suldaan Maxamed Aala Maxamed oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey baaqyada ku wajahan deegaanada ay maamulaan ee ay abaaruhu ka jiraan, isagoo sheegay in aysan u hogaansami doonin hadalada ka soo yeeraya dadka gaarka ah sida uu yiri.
Sheekh Suldaan ayaa ka digay in hay’adahu ay doonayaan inay ku soo hoosgabadaan gargaarka abaaraha isagoo sheegay in gobolada ay maamulaan Shabaab aan baahi looga qabin wax hay’ad ah.
“Anaga ayaa isku filan waxaana kaashaneynaa Alle umabaahnin wax hay’ad ka yimid,”, ayuu yiri Sheekh Suldaan.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment