Wednesday 19 January 2011

Saraakiil Shabaab oo Gaary Deegaanka Ceel Cirfiid iyo Xiisad Halkaa ka Taagan

Muqdisho (RBC) Wararka laga helayo deegaanka Ceel Cirfiid ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaankaasi maanta ay gaareen saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo wata ciidamo farabadan kadib markii xiisad la maareyn waayey ay ka dhex oogantay Shabaab iyo dadka deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha Al Shabaab ee maanta gaaray deegaanka Ceel Cirfiid kulamo ay la yeesheen odayaasha deegaanka iyagoo kala hadlay sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadgelyada iyo in laga hirtago kacdoono qarsoodi ah oo Shabaab ka shaki qabaan in iyaga looga horjeedo oo deegaanka beryahan ka socday.
Xaley ayaa ciidamada Shabaab waxay bandow ku soo rogeen deegaanka Cee Cirfiid iyagoo sidoo kaalana xabsiga dhigay tobaneeyo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay kacdoon deegaankaasi ka abaabulayeen.
Sii Akhri 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...