Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu sheegay in marnaba aan la fasixi doonin hay’adaha gar gaarka oo ay horay u mamnuuceen xaradaka Al-Shabaab.Hogaamiyahaan oo haatan ka mid ah saraakiisha xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka n ay ka maarmaan gar gaarka ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah.
Sheekh Xasan Aways ayaa waxa uu tilmaamay in hay’adaha samafalka ay doonayaan in ay ku gumeesaan shacabka Soomaaliyeed raashinka ay bixiyaan.
Waxa uu baaq u jeediyay dhamaanba umada Soomaaliyeed waxa uuna ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay haatan abaaruhu ay saameeyeen.
Xasan daahir ayaa horay waxa uu u ahaa hogaamiyihii ururkii Bur buray ee Xisbul Islaam Waxa uuna haatan ka midyahay Saraakiisha xarakada Al-Shabaab.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment