Friday 21 January 2011

Sheekh Xasan Daahir Aways oo Shabaab ku Booriyey inaan La Fasixin Hay’adaha Gargaarka

Muqdisho (RBC Radio) Hogaamiyihii Ururkii Bur buray ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways oo maanta saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aan la ogolaan doonin hay’adaha gar gaarka si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen. Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxa uu sheegay in marnaba aan la fasixi doonin hay’adaha gar gaarka oo ay horay u mamnuuceen xaradaka Al-Shabaab.
Hogaamiyahaan oo haatan ka mid ah saraakiisha xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka n ay ka maarmaan gar gaarka ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah.
Sheekh Xasan Aways ayaa waxa uu tilmaamay in hay’adaha samafalka ay doonayaan in ay ku gumeesaan shacabka Soomaaliyeed raashinka ay bixiyaan.
Waxa uu baaq u jeediyay dhamaanba umada Soomaaliyeed waxa uuna ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay haatan abaaruhu ay saameeyeen.
Xasan daahir ayaa horay waxa uu u ahaa hogaamiyihii ururkii Bur buray ee Xisbul Islaam Waxa uuna haatan ka midyahay Saraakiisha xarakada Al-Shabaab.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...