Tuesday 18 January 2011

Somaliland iyo Dawlada TFG oo Wada Hadlaya

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu wada hadalsiinayo dowlada uu ka tirsan yahay iyo maamulka Somaliland isagoo ka hadlayey magaalada Oslo ee dalka Norwey.
Mr. Oomaar oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Norway waxaa uu kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalkaas, uu kaga ka hadlay sidii uu sannadkii 2009-kii ugu biiray siyaasadda oo aanu hore ugu jirin iyo jawaabtii uu ka bixiyay markii ugu horaysay ee lagu wargeliyay in xil loo magacaabayo.
Waxa uu sheegay in aakhirkii bishii January ee sannadkii 2009-kii isagoo ku sugan magaalada Hargeysa uu la soo xiriiray Ra’isul wasaarihii hore ee TFG Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dib markii uu maalmo ka hor Jabuuti oo uu socdaal ku soo maray kulan shan daqiiqadood ahi ku dhexmaray Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligaas dowladda uu madaxda ka yahay lagu dhisay caasimadda Jabuuti. 
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...