Warkii 03-Nov-2009 iyo Qormadii: NEWS
Makadmada Magaalada Boosaasoa ee maamulka Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 6 nin oo ka mid ahaa culimada deegaankaas,oo ay ciidamada amnigu ka qab qabteen horaantii bishii tagtay magaalada Boosaaso ku eedeeyeen in ay xidhiidh la leeyihiin Dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab. -Ragaas oo ay ka mid ahaayeen culimo caan ka ah deegaankaas,iyo weliba dhalinyaro ganacsato ahayd ayaa waxay kala yihiin:
1. Sheekh Cali Axmed Xasan”Cali Gacamey”,
2. Deeq Yaasiin Khaliif
3. Axmed C/risaaq Maxamed .
4. Ibraahim Maxamed Shire .
5. Maxamed Saciid Cabdisalaan .
6. Sheekh Maxamuud Samatar Maxamuud “Jeega Hool.
Maxkamadu ayaa ugu horeyn Deeq Yaasiin Khaliif ku xakuntay xabsi dhan 15 Sano halka eedaysanayaasha kale ay ku wada xakuntay midkiiba 10 sano oo xadhig ah.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Gobolka Bari Maxamed Cabdi Awaare ayaa Maxkamada kaga dhawaaqay xukunka ay maxkamadu ku riday 6-daa eedaysane
Eedaysanayaasha ayaa Maxkamada horteeda ka sheegay in aysan wax xidhiidh ah la laheyn Ururka Al Shabaab ee ka jira Gobolkada Koonfureed ee Dalka , waxaana Maxkamada ku hor dhaartay qaar ka mid ah culimada,iyadoo dhaartaas dheg jalaq loo siin waayey.
Maxkamada ayaa Xoraydiisi siisay Sheekh Maxamuud Samatar “Jeega Hool” oo ka mid ahaa Shaqaalaha Jaamacadda Bariga Afrika kaas oo ay Maxkamadu ku sheegtay in lagu waayay Falkii lagu soo eedeeyay,iyadoo aan nimankaas la xukumay loo qaban wax garyaqaano ama Looyar ah oo u dooda.
Xadhiga culimadan ayaa ku soo begmaya,iyadoo xabsiga Boosaaso uu ku geeriyooday marxuun xabsigaas sida la sheegay lagu jir dilay.
Xabsiyada Boosaaso ayaa waxa ka buuxa culimo iyo rag ganacsato ah oo qaarkood ka soo jeedaan gobolada kale ee dalka iyo Ogaadeniya.
Afnugaal News DESK.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...

-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment