Published on: December 2,2009 Garowe Time 9:42 pm
Boosaaso, (RBC Radio) Sida ay sheegayaan warar laga helayo dad degaanka ah waxaa caawa fiidkii magaalada Boosaaso lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidanka dembi baarista ee CID.
Wararka soo gaaraya RBC Radio ayaa sheegaya in sarkaalkan oo lagu magaacabi Jiray Maxamed Siciid ay weerareen niman hubeysan xilli uu ku sugnaa degaanka Raxiis oo ka tirsan Bariga Boosaaso.
Maxamed Siciid waxaa uu ahaa madax u ahaa ciidanka CID ee dembi baarista ee gobolka Bari.
Warar madax bannaan ayaa RBC Radio u sheegay in sarkaalkan uu gudoomiye u ahaa guddi saraakiil ah oo baarayey dilkii gudoomiyihii maxkamada derejada koowaad ee gobolka Bari Alle ha u nxariistee Sheekh Maxamed Cabdi Awaare oo bartamihii bishii hore kooxo hubeysan ku dileen magaalada Boosaaso.
Dhaawaca sarkaalkan ayaa durba la geeyey cusbitaalka siloogu daweeyo, mana jirto cid illaa iyo hadda loo soo qabtey weerarka lagu dhawacay sarkaalka.
Lama yaqaano cida geysatey weerarkan, waxaana socda baaritaan arintan ku saabsan dhaawaca sarkaalkan, waxaana weerarka caawa uu ku soo beegmayaa iyadoo xaley qarax bambo oo lagu qaaday goob filimada lagu daawado oo ku taalla Boosaaso ay ku dhaawacmeen 20 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Oromo.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...

-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment