Sunday 16 January 2011

Afhayeenka Shabaab: 130-nin oo Kaliya ayaa ka soo Hartay Afartii Boqol ee Mujaahidiinta Cusbeyd


Muqdisho (RBC) Afhayeenk xarakada Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] ayaa maanta sheegay in qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradii u dagaalameysay ururkooda ay ku geeriyoodeen dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ahaayeen dagaalo xoogan.
“… 13 kaan nin waxay ka soo hareen 400-tii boqol ee tababarka dhowaan loosoo xiray intii kale way dhinteen qaar kalena waxay dhaawacyo u jiifaan isbitaalada, xitaa kuwa halkaan jooga qaarkood waxaa laga yaabaa in dhaawacyo ay qabaan, waxaana leenahay raggaasi Shahaadadooda Alla haka aqbalo”, ayuu ku khudbeeyey Sheekh Cali Dheere oo maanta hadal u jeediyey ciidamo cusub oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.
Sheekh Cali Dheere oo la hadlayey dhalinyarada cusub ee hadda kasoo baxday xeryaha tababarada Shabaabka ku leeyihiin magaalada Muqdisho kuwaasoo dhowr bqol gaaraya ayaa sheegay in iyagana looga baahan yahay inay maraan wadadii ay mareen raggii iyaga ka horeeyey kuwaasoo badankood dagaalada ku dhinteen, wuxuuna xusay in dagaalka ka socda Muqdisho uu yahay Jihaad sax ah.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...