Gaalkacyo (RBC Radio):- Taliyaha Booliska gobolka Mudug G/dhexe Aadan Nuur Qaal ayaa maanta shir jaraa’id oo uu Saldhiga bartamaha Gaalkacyo ku qabtey waxaa uu kaga warbixiyey qarax Gaalkacyo ka dhacay.Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa maanta ka dhacay bartamaha Gaalkacyo uu ahaa mid lagu bartilmaameedsadey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo meesha marayey.
G/dhexe Aadan ayaa sheegay qaraxa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Gaalkacyo ay ku dhaawacmeen laba ruux, gaarigii uu watey Gudoomiyaha Gobolkana uu burbur soo gaarey.
Taliyaha oo sharaxaad ka bixinayey habka qaraxu u dhacay ayaa sheegay in qaraxu ahaa nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga maamulo,lana geliyay meel wado ah oo uu soo maray Gudoomiyaha gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in uu qaraxani ahaa mid lagu bartilmaameedsanayey maamulka Gobolka Mudug.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment