Muqdisho:(Sh. M. Network) Masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku jahwareersan cida saxiixday heshiiska dowladda KMG ay la gashay shirkadda SARACEN Intentional xili mudanayaasha Barlamanka KMG ay sugayaan in loo cadeeyo heshiisyadaasi
Waxaa wali lagu jahwareersanyahay cid saxiixday heshiiska dowladda KMG Soomaaliya ay la gashay shirkadda SARACEN kadib markii Xukuumada haatan ka jirta dalka iyo xukuumadii horaba ay iska fogeeyeen inay saxiixeen islamarkaana midba midka kale uu ku tuuray saxiixa heshiiskaasi.
Tan iyo Markii uu soo baxay heshiiska dowladda KMG Soomaaliya ay la gashay Shirkadda qaabilsan tababarka ciidamada ee SARACEN ayaa arintaasi waxaa ay keentay hadal heyn badan oo ku aadan qaabka ay shirkadaasi uga howlgali karto gudaha dalka Soomaaliya iyo cida la saxiixatay heshiiskeeda ee ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya. Sii Akhri
No comments:
Post a Comment