Gobolka Mudug waa deegaan ay daashadeen dagaalo sokeeye, iska horimaadyo rasaas aan loo meel deyin la isku weydaarsado magaalada Gaalkacyo gudaheeda halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba loogu geysto dadka shacabka ah, dilal loo geysto dadka rayidka ah, iyadoo la beegsado shakhsiyaadka halbowlaha nabada u ah, maxay tahay sababtu?
Haddaba, Maxaad kala socotaa heshiiskii deegaanka Gobolka Mudug ee 1993-dii dhex maray hogaamiyayaasha SSDF, SNDU iyo SNF, ?
Muxuu dhigayey heshiiskaasi? Sidee u qornaa? Yaa heshiiskaas bud-dhigayaal u ahaa? Sidii lagu heshiiyey ma u fuleen qodobadii la wada saxiixay?
Haddii aysan fulin arrimihii lagu wada heshiiyey dhinacee dheeligu ka yimid, mase ahaa heshiiskaasi mid dhameystiran oo salka si adag loogu dhigay?Eeg Documentiga
No comments:
Post a Comment