Thursday 6 January 2011

DKMG oo Sheegtay in Shabaab ay Hor Taagan Yihiin Gargaarka Loo Wado Dadka Abaaraha ku Dhibaatoobay ee Ku Nool Gobolada Dalka

Muqdisho (RBC) Shir jaraa’id oo maanta Muqdisho uu ku qabtay wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudah DKMG Soomaaliya Ibraahim Isxaaq Yarow ayuu ku sheegay in xarakasa Shabaab ay diiday in gargaarka la gaarsiiyo deegaanada y ku nool yihiin dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee ku hoos nool gobolada ay maamulaan xarakada Shabaab.
Wasiir ku xigeenka oo shirkiisa hara’id si kulul uga hadlay xaaladaha abaarta ee ka jirta dalka ayaa sheegay in dowlada ay gcanta ku hayso rashiin gargaar hordhac ah oo ay ka heshey wadanka Imaaraadka Carabta kaasoo soo gaaray magaalada Muqdisho balse aysan jirin qaab ay dadka ku gaarsiiso dowlada.
“Waxaad og tihiin in dalka ay ka jirto xaalad adag oo abaar ah, goboladana meel meel dhaanta ma jirto maalin walba waxaa na soo gaaraya warar dhiilo xambaarsan oo ku saabsan xaalada nolosha ee dadka laakiin nasiib daro way adag tahay in gargaarka la gaarsiiyo dadkii u baahnaa”, sidaasi waxaa maanta wariyaasha u sheegay Ibraahim Isxaaq Yarow oo ah wasiir ku xigeenka arimaha gudaha.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...