Wednesday 19 January 2011

Garoowe:”Dawlada Puntland-na waanu dagaalaynaa Shacabkana waanu istaageersanahay,xagee kajiraa warkaas”Wasiirka Qorshaha ee Puntland

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo warbaahinta Dalka Ingiriiska u sheegey in go’aankii dhawaan kasoo baxay Puntland uu yahay mid iyada u gaar ah islamarkaasna aysan shacabka Puntland ku taageersanayn,waxaana ay dawlada Puntland warkaas ku tilmaantay mid uu siyaasadiisa ku difaacayo.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka caalamiga ah ee dawlada Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa hadalkaas ganafka ku dhuftay,waxaana uu sheegey in xukuumada Puntland ay si dimuquraadi ah shacabkeedu u doortaan islamarkaasna ay shacabku caan kuyihiin taageerista xukuumadooda & go’aamada kasoo baxay,isagoo hadalka Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid la’iska yiri oo aanan xikmad badani ka muuqan.

“Dawlada Maraykankana waanu dagaalaynaa,Shacabka reer Ameerikana waa na taageersanyihiin bay u dhigantaa in la dhoho Dawlada Puntland waanu is dagaalaynaa shacabkeeduna waana taageersanyahay,xagee ka jiraa warkaasi”ayuu yiri Wasiirka Qorsha ee Puntland oo maanta warbaahinta la hadlay xili ay garoonka Garoowe ka dhoofiyeen isaga & madax kale oo u anbabaxday Jamhuuriyada Jabuuti.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...