Wednesday 19 January 2011

Saddex Ruux oo Lagu Toogtay Magaalada Jigjiga

Dilka ayaasida warku nagu soo gaaray waxaa uu dhacay maalintii Isniinta oo taariikhdu ahayd 17-ka January 2011.

Jigjiga (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaali Galbeed [Ogadeniya] ayaa sheegaya in saddex ruux oo rayid ah lagu toogtay gudaha magaaladaasi.
Wararka nasoo gaaraya ayaa xaqiijinaya in saadexda ruux ee rayidka ah ay dileen ciidanka booliska ee magaalada Jigjiga oo hoostaga Dowlad Degaanjka Soomaalida [DDS] kuwaasoo loo yaqaano ‘New Police’.
Lama oga sababta dilka keentay balse qof ku sugan Jigjiga oo RBC Radio ka codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in askarta rasaas ku toogteen saddexda ruux xilli ay joogeen gudaha magaalada Jigjiga.
Meydka saddexda ruux ayaa shaley lagu aasay magaalada Jigjiga. Mana jiraan wax hadal ah oo maamulka degaanka Soomaalida uu ka yiri dilka dadka rayidka ah ee ay geysteen ciidanka booliska.
Ciidanka New Police ayaa ah ciidamo cusub oo dhawaan loo tababaray maamulka DDS ee hoostaga xukuumada Addis Ababa.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...