Nairobi (RBC) Kalfadhigii 5aad ee jabhada Xoreynta Ogadeniya ONLF ayna ka soo qaybgaleen ergo ka tirsan qeybaha jabhada ayaa lagu soo afmeeray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea iyadoo uu gudoominayey Admiral Maxamed Cumar Cismaan.
Kalfadhigan oo looga hadlay waxqabadkii jabada ee sanadkii dhamaaday 2010 ayaa arimihii looga hadlay waxaa ugu weynaa dagaaladii ONLF la gashay ciidamada Ethiopia, heshiiskii dhowaan ururka UWSLF la galay xukuumada Ethiopia iyo waxyaabaha u qorsheysan ururka sanadkan cusub ee 2011.
Ergooyinka ka qaybgalay ka;lfadhiga ayaa si aad ah ugu dheeraaday arimaha ka taagan gobolka Soomaali galbeed ee ay Ethiopia heysato iyo masiirka shacabka ku nool gobolkaasi, taasi laga eegay dhinacyada nolosha, waxbarashada, caafimaadka iyo siyaasada, waxaana la dareemay inay weli jiraan caqabado adag oo shacabka heysata.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment