Garowe (RBC Radio):- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa qorsheyneysa in shirweyne ay u qabato dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka Soomaaliya.Maamulka Puntland oo horey ugu guuleystay in uu kulamo isugu keeno Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Ururada Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhalinyarada kubada cagta Soomaaliyeed ee dhamaantood ku kala nool gobolada dalka Soomaaliya ayaa haatan u hanqal taagaya sidii uu kulan balaaran isugu keeni lahaa dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa shaaciyey in maamulkiisu diyaar u yahay gogol uu u dhigo dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata gobolada dalka Soomaaliya iyo kuwa ku sugan wadanka banaankiisa si loo gaaro mideysnaan ganacsatada dhexdeeda ah.Read More
No comments:
Post a Comment