Tuesday 1 December 2009

Maxamed Xasan Xaad Oo Puntland Ku Eedeeyey Inay Si Kabaxsan Bini’aadanimada Ula Dhaqmayso Dadka Kasoo Jeeda Konfurta.

Golaha Dhaqanka Hawiye garabka uu hogaamiyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray maamul goboleedka Puntland.

Xaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Puntland uu takoorid ku hayo dadka kasoo jeeda konfurta Somalia, isagoona sheegay in si bini’aadanimada ka baxsan uu ula dhaqmayo dadka konfurta kasoo jeeda.

“Puntland ha ogaato inay baal madow ka gali doonto taariikhda sida ay ula dhaqanto dadkii kabarakacay Konfurta” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Wuxuu intaas ku daray in faquuqidda iyo midab kala sooca maamulka Puntland uu ku hayo dadkii ka barakacay konfurta Somalia ay mugdi sii galinayso xaaladda dalka Somalia oo markii horeba cakirneyd.

“Way haboonaan laheyd in Puntland ay ciqaabta mariso shaqsigii dambi lagu helo ee ma ahan inay Target ka dhigato dadka kasoo jeeda konfurta” ayuu yiri mar kale nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Hadalka guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Midnimada Hawiye ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan maamulka Puntland uu waqooiyiga magaalada Galkacyo ka musaafuriyey dad Barakacayaal ah oo kasoo jeeda konfurta dalka Somalia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...