Wednesday 2 December 2009

Qaraxyo khasaare lixaad leh geystay oo xalay ka kala dhacay Boosaaso iyo Gaalkacayo Muqdisho, December 02, 2009 (WDN) -

Q Afar iyo labaatan ruux ayaa ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar bambaano ku qaadeen goob aflaanta lagu daawado oo ku tqaalla magaaladasi.

Saraakiisha caafimaadka iyo booliska Boosaaso, ayaa ku warramay in dadka dhaawacmay ay u badanaayeen dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee Itoobiya. Kuwaas oo Boosaaso siyaabo kala duwan oo uu ganacsi ka mid yahay u jooga.

Kooxihii weerarka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay baxsadeen. Kuwaas oo aan illaa hadda la aqoon ujeedadooda iyo kooxda ay ka tirsan yihiin.

Cismaan Afdalow oo ah taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay ku raad joogaan qofkii tuuray bam gacmeedkaasi, islamarkaana tuhun ay ka qabaan in ay dhcadadaas iyana ku lug lahaayeen laba qof oo goobta falku uu ka dhacay ka cararay habeenkii xalay.

Dhanka kale iyana kooxo dablay ah ayaa weerar bambaano ah ku qaaday masaajidka Mubaarak ee degmada Gaalkacayo ee xarunta gobalka Mudug, xilli culimo ka tirsan dariiqada Ahlu Sunnah wal Jameecah ay isugu diyarinayeen tukashadii salaaddii cishaha.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi masjidka lagu qaaday, illaa haddana ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay saraakiisha Ahlu Sunnah.

Dadweynaha reer Gaalkacayo, ayaa arrinkan ka muujiyay walaac, waxana weliba dadka amakaag geliyay weeraradan xataa masaajidadii ka nabad geli waayeen.

WardheerNews, Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...