Wednesday 2 December 2009

Hogaamada sare ee Booliska iyo Milateriga ee dawladda KMG ah oo shaqadoodii waayay…

Muqdisho:
2. December 2009

Muqdisho(AllPuntland)- AllPuntland ayaa ka heshay warar sugan in Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu saxiixay oo uu Raysalwasaare Sharmaake ugudbiyey qoraalka xil ka qaadista Taliyaashii ciidamada Booliska iyo Milateriga ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu Raysalwasaaruhu dhiniciisa qalinka ku duugay heshiiskaasi, isla markaasna uu sheegay in loo baahan yahay Isbadal lugu sameeyo hogaanka ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) iyo Yuusuf Xuseem Dhuumaal ayaa labadooduba waxa ay ka gaabsadeen tafaasiilaad ay ka bixiyaan shaqada ka qaadidan, waxa ayna sheegeen in ay jawaab cad ka bixin doonaan markii laga qaado xilalkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa warar ku dhow dhow ay sheegayaan in uusan la kulmin Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markii ay uyeereen qaar ka mid ah Madaxda dawladda Soomaaliya.

Jeneraalka Qeydiid ayaan la garan Karin diidmadaasi, waxaana lasheegay in uu ciidamada uu leeyahay Cabdi Xasan Cawaale ay ka soo baxeen difaacyadii ay ku jireen ee ay kaga soo horjeedaan mucaaradyada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa horay usheegay in uusan ku faraxsaneyn talaabooyinka ay qaaday dawladda Soomaaliya, gaar ahana dhanka ciidamada, isagoo sheegay in ay doonayaan in ay dibu habeyn ku sameeyaan arrimahaasi, isagoo sheegay in ay jiri karaan qaar ka mid ah dawladdiisa oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Mucaaradyada ka soo horjeeda.

Jeneraal, Yuusuf Xusen Dhuumaal ayaa jagadan loo magacaabay markii si deg deg ah looga qaaday Jeneraal, Siciid Maxamed Xirsi oo hayay jagadaasi mudo dheer, markii umagacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, taasoo Shariif Sheekh Axmed uga fogaanayay in hogaanka ciidamada dawladda Shariifka ay hayaan rag ay isku siyaasad ahaayeen C/laahi Yuusuf Axmd.

Labada Jenan ee laga qaaday shaqada ayaan la garan Karin xaaladoodu waxa ay noqon karto, gaar ahaana Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa warar ku dhow dhow ay sheegayaan in uusan aqbali doonin xilka qaadistaasi, isla markaasna wuxuu Cabdi leeyahay ciidamado tiro badan oo jooga difaacyada Muqdisho, ayagoo qeyb ka ah ciidamada dawladda Soomaaliya ee hada difaacayay dawladda Soomaaliya.

Goor dhaw oo maanta ah ayaa lafilayaa go’aanka ugu dambeeya ee ku wajahan xaaladaha xil ka qaadista dhinacyadan, lashaaciyo, waxaana la dhowrayaa jawaabta xaqiiqda ah ee ka timaada labada Taliye ee ciidamada dawladda Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...