Wednesday 5 January 2011

Duulaankii Ethiopia ku Qaaday Soomaaliya 2006 Wuxuu ku Dhamaaday Guuldarro (Wikileaks oo Soo Bandhigay Sir Culus)

Muqdisho (RBC) Warbixin sir ah oo uu soo bandhigay website-ka Wikileaks ayaa shaaca ka qaaday in duulaankii sanadkii 2006 ciidamada Ethiopia ku qaadeen wadanka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn xukuumada Ethiopia ee raisul wasaare Meles Zenawi. Waxaana warbixintu tilmaantay in Ethiopia cadaadis uga yimid Mareykanka dartiis ay u gashay dagaalkii Soomaaliya.
Warbixintan oo laga heley ilo diblomaasiyadeed oo sir ah ayaa sheegtay in xukuumada Meles Senawi aysan kaligeed gaarin goĆ¢€™aankii ay ku weeraratay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 xilligaasi oo ciidamadii Ethiopia ay gudaha u galeen dala illaa ay gaareen magaalada caasimada ee Muqdisho.
Mareykanka waxaa ku furnaa dagaalada Ciraq iyo Afghanistan, sidaasi awgeed waxay warbixintu sheegtay in xukuumadii Washington ee uu madaxweynaha ka ahaa George W. Bush aysan awoodin inay weerar kale ku qwaado Soomaaliya oo ay jiho saddexaad oo dagaal ah isku furto. Waxaana taasi bedelkeed saraakiisha aqalka cad ku talobixiyeen in ciidamada Ethiopia loo adeegsado duulaanka Soomaaliya.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...