Wednesday 10 August 2016

Kumandoska Soomaaliya oo howlgalo saraakiil Alshabaab ah lagu qabtay ka fuliyey Gaalkacyo


alfa-group-8
Gaalkacyo-(RBC Radio)-Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya ay howl gal qorsheysan ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo howl galkan la sheegay in lagu soo qabtay shan ruux oo uu ku jiro Sarkaal ajanabi ah.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Cali Baashi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in howl galkan qorsheysan lagu qabtay nin ajanabi ah oo magaciisa lagu sheegay Saciid C/llaahi Abuukar oo loo yaqaano Al-Suudaan
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galka ay sameeyeen Ciidamada Kumaandooska uu ka kala dhacay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ee ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug.
“Howl galkan wuxuu ku soo dhamaaday sidii loogu tala galay, wuxuuna ka dhacay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka.
Ninka ajnabiga ah ee lagu soo qabtay howlgalkan ayaa lagu magacaabaa Sa’id Abdullahi Abubakar (Al-Sudani), oo u dhashay dalka Sudan, Al-Shababna u ahaa hogaamiyaha kooxda Qaraxyada.
Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ee xoogga dalka Somalia ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka fulinayay magaalada gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow dhow.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...