Wednesday 10 August 2016

Madaxweynaha Galmudug oo ka horyimid xubno Puntland loogu kordhiyey aqalka Sare(Dhegeyso)


xxxx
Gaalkacyo-(RBC Radio)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ammaanka deegaanada Galmudug iyo Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee lagu soo Afmeeray Muqisho.
C/kariin Guuleed ayaa ka horyimid Qodobo ka mid ahaa kuwii ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran islamarkaana uu sheegay in Xubnaha Aqalka Sare Puntland loogu kordhiyay Labo Xubnood,waxaana uu intaa ku daray in Galmudug ay diidan tahay Sadbursi ayna ka soo horjeedaan.
“Puntland horay waxey Galmudug u dheereyd Saddex Xubnood,haddana Labo kale ayaa loogu daray,marka Galmudug ma aqbaleyso”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed oo ka hadlayey magaalada Gaalkacyo.
Halka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada muqdisho lagu soo gebo gabeeyey shirka madasha wada tashiga qaran oo ay isugu yimaadeen hogaamiyayaasha Soomaalida.
Halkaan ka dhegeyso codka Cabdikariin guuleed.

Audio Player

___


    RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...