
Waxaa lugu sheegay tiran inay ka dhigayso qaxootigii ugu badnaa oo hal maalin dalka lugu soo celinayo,kuwaaso laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Dadkaas ayaa intooda badan dhulka sii mari doona, iyagoo basas hay’addu kiraysay ku tagaya Dhoobley, halkaas oo ay safar dhulka ah ka sii galayaan, halka tiro aan sidaa u sii badnaynna ay diyaarado soo raacayaan raacayaan.
Qaxootigana ayaa ku wajahan gobollada Jubbada hoose, Gedo, Bay iyo Banaadir, waxaana Qaxootiga qaar ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo laabtaan dalkooda.
Dhowaan ayay aheyd markii maamulka Jubbaland uu sheegay Qaxootiga ku soo laabanaya Deegaanada Jubbaland in ay amni daro abuuri karaan, maadaama Shabaab laga yaabo in ay ku soo kor gambadaan Qaxootiga.
__
RBC Radio
__
RBC Radio
No comments:
Post a Comment