Thursday 18 August 2016

Howlgalka Danab oo maalinkii labaad ka socda Garoowe iyo saraakiisha ciidanka oo ka hadlay(Dhegeyso)


1111
Garowe-(RBC Radio)-Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda howlgalka loogu magacdaray DANAB one (Danab kow) oo soconaya mudo 30 maalmood ah laguna dagaalamayo hubka sharci darada ah ee lagu wato magaalada iyo adkaynta amaanka Guud ee Caasimada Puntland.
Howlgalkaan oo lagu xaqiijanayo Amaanka Magaalada oo mudooyinkii danbe lagu arkay falal amni daro ayaa shalay ka bilowday Magaalada ayaa waxaa ka qayb-qaadanaya Ciidamada Difaca Puntland iyo kuwa PSF-ta.
Tan iyo Shalay, waxaa ciidamo gacanta ku dhigeen hub kala duwan iyo askar qaab sharci darro ah ugu dhex-sitay magaalada, waxaana qorshahan oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland uu taabanayaa ammaanka magaalada, maandooriyaha iyo xirmaysiga dhulka.
Taliyaha ciidamada Danab ee howlgalka Fulinaya Cornel Jimcaale Jaamac Takar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amniga magaalada gacanta lagu dhigi doono islamarkaana laga sifayn doono cid kasta oo khal-khal galinaysa.
Jimcaale oo ka waramayey khasaaraha ka dhashay xabado goos goos ah oo ka dhacayey Magaalada ayaa sheegay inuu jiro dhaawac labo qof oo mid kamid ah Askari yahay isagoo intaasi raaciyay in khaladaad jiri karaan balse ay ka faa’iidaysan doonaan islamarkaana sixi doonaan,waxaana uu ku amray ciidamada inay ku sugnaadaan xeryahooda inta uu socdo howlgalkan.
large
Duqa degmada Garowe ayaa dhankiisa caddeeyay in ammaanka magaalada uu isbadal ku yimid, wuxuuna shacabka caasumadda ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen laamaha amniga ee ku howllan xaqiijinta nabad galyada.
“Habac weyn baa galay amniga magaalada, waddooyinkii baa la xirtay, bacahii ayaa noqday kuwo si xad dhaaf ah loogu xirtay baabuurta, runtii waa loo baahnaa in ciidamadan laga howlgaliyo caasumadda,”Ayuu yiri Xasan Goodir.
Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Faraweyne ayaa isaguna sheegay sheegay in magaalada Garowe ay u simantahay umadda reer Puntland islamarkaana u furantahay dadka Somaaliyeed isagoo xusay inay maalgashan karaan sidaasi darteed loo baahanyahay inay amnigeedu noqdo mid la isku hallayn karo.
222
Gudoomiyaha Gobalka Cumar Faraweyne ayaa tilmaamay in ciidamadan yihiin kuwii howlgalka la galay Al Shabaab isagoo intaasi raaciyay inay diyaar u yihii sidii ay u tagi lahaayeen goob walba oo looga baahdo.
Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa mudooyinkii danbe waxaa kusoo badnayey falalka amni xumo iyadoo magaalada laga maqlayey xabado xafdhaaf u dhacaya waxaana howlgalkaan uu sidookale kusoo aadaya xili 24-ka bisha Sebtember la filayo in magaalada garoowe uu ka furmo shirarka lagu soo xulayo aqalada Baarlamaan ee Soomaaliya.
Halkaan ka dhegeyso codadka

Audio Player

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...