
Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa warbixin la xiriirta xaaladda siyaasadda ee dalka u soo gudbiyay golaha Wasiirada, jsagoo sheegay in maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shebellaha dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena barrnaamijka doorashooyinka si wanaagsan looga shaqeynayo islamarkaana tababar loo soo xiray gudiyada maamul goboleedyada ee doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa golaha ku hor amaanay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dadaaladda ay wado ee ku aadan dhiira-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana sheegay in Wasaaradiisa ay la timid waxqabad cad oo ay kamid yihiin ciyaarihi gobolada oo dalkeena u horseeday inuu yeesho muuqaal wanaagsan.
Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa waxey soo dhaweeyeen shirkii Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana waxay bogaadiyeen Carwada Buugaagta Muqdisho oo shalay laga furay Muqdisho kuna tilmaameen iney tahay bog cusub oo u furmay shacabka Soomaaliyeed oo u jiheeynaya wadada aqoonta iyo nabada.
______
RBC Radio
No comments:
Post a Comment