Saturday 27 August 2016

Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya oo lugu muransan-yahay


160412161023_somalia_640x360__nocredit
Muqdisho (RBC Radio) Muran xooggan ayaa ka taagan dhaqaalaha ku baxaya doorashada ka dhacaysa dalka,sida ay baahisay warbaahinta gudaha Sabtid maanta ah.
Dowladda ayaa mar horaba ku fakareysa in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleya xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha sarre ee dowladda dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la lahaa xubno ka tirsan beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha, iyagoo kala hadlay kharashaadka doorashooyinka ku baxaya.
Waxa ugu weyn ee xilligan keenaya in laga hadlo dhaqaalaha doorashada ayaa ah xareynta 14025 ergay iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaa la isku hayaa cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya sidii loo xareyn lahaa ergada.
Toddobadkii hore,madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ku qaabilay magaalada caasimada ah ee Muqdishi Madaxa hay’adda UNDP, Helen Clark -waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Michael Keating ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dowladda dhexe iyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka heer Federaal, kuwaas oo uu kala hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.
Beesha caalamka ayaa horay ugu soo gudbisay hoggaamiyayaasha Soomaalida qorshaha ugu aadan dhaqaalaha ay ku kaabayaan doorashada dhacaysa,marka oo ay sheegen maamul-goboleedyada iyo dowladda faderaalka ay bixiyaan qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.
Dowladda ayaa mar dambe sheegtay inaysan awood u laheyn bixinta qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada dalka ka dhacaysa oo ay naga xigto maalmo un,mana jirto wali cid shaacisay inay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya doorashada.
Soomaaliya ayaa muddo soddon sanno ku dhow aan helin dowlad xooggan,waxaana waqtiga dheer dalka uu sugayay taageerro uu ka helo waddamada caalamka,waana mida keentay doorashada waddanka in loo waayo dhaqaalaha ku baxaya.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...